3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2018
Uhuru Kenyatta : Weynu ka soo saari doonaa ciidamadeen-na Soomaaliya waqtiga ugu dhaw

 

Isniin, August, 27, 2018 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Kenya Uhur Kenyatta oo kulan la qaatay madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa kala hadlay arrimo dhowr ahoo ay ka mid yihiin iskaashiga ammaanka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Gaar ahaa Uhuru Kenyatta ayaa sheegay waqtiga ciidamada Kenya ay ka baxayaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay arrintan inay ka mid aheyd qodobada ay ka wada hadleen Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna tilmaamay in waqtiga ugu dhaw Soomaaliya ay ka soo saari doonaan ciidankooda.

“ Ciidamadeen-nu wey ka soo baxayaan Somaaliya Soomaaliya,waqtiga ugu dhaw ee macquulsan waxaanu ka wada shaqeyn doonaa dowladda federaalka sidii ay u xoojin lahaayeen ammaanka, islamarkaana u hanan lahaayeen nabadgelyada dalkooda” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo la hadlay VOA-da.

Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ay kala kulmeen culeys dhaqaale oo weyn, islamarkaana qarash ay hawlo kale ku qabsan lahaayeen ku bixiyaan ciidamada ka baxsan xuduudooda, sidaasi darteedna ay rabaan inay kala shaqeeyaan dowladda in si nabadgelyo ah xasiloooni loogu soo celiyo Soomaaliya.

“Ciidamada waanu ku soo celineynaa xuduudeena, sidaasi darteed waxaa naga yaraanaya qarash badan oo aanu ku bixino, annagu waxaan kala shaqeyney-naa Soomaaliya sidii ay isaga difaaci lahaayeen khatarta, maxaa yeelay khatarta keliya Soomaaliya kuma koobna”. ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Sanadkii la soo dhaafay 200 oo Askarta Kenya ah ayaa ka baxday Soomaaliya, halka qorshaha yahay in 200 oo kale ay ka baxaan Bisha December ee soo socota, taas oo qayb ka ah qorshaha markiiba 1,000 Askari oo AMISOM ah ay uga baxayaan dalka Soomaaliya.

Shanta dal ee ciidamada milatariga ku biiriyay hawlgalka AMISOM ee kala ah Burundi, Djibouti, Kenya, Uganda iyo Ethiopia, ayaa la filayaa in ay fuliyaan qorshaha ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/27/2018 2:13 PM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay garoonka Qaranka ee Ciyaaraha (Muqdisho Stadium), ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaabayso qorshe ballaaran oo lagu hawlgalinayo garoonkan.

8/27/2018 10:35 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa warbaahinta Itoobiya baahisay isagoo lagu sii waddo xabsiga.

8/27/2018 9:40 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)-Baarlamaanka Puntland oo ku gudaha jira kalfadhigooda 41 aad ayaa maanta ka dooday mooshin ka dhan ah shirkadda DP World ee maamusha dekedda Boosaaso, mooshinka waxaa Baarlamaanka horgeeyay siddeed xildhibaan.

8/27/2018 8:24 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)-Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay qarax goor dhaw lugula eegtay gaari yar oo ay la socdeen degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

8/27/2018 7:56 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)-Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhaweeyay maanta magaalada Muqdisho, taliyaha hay’adda sirdoonka dalka Sudan Gen. Salah Abdalla Mohamed (Salah Gosh)

8/27/2018 6:46 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL) –Dibadbaxan oo ay soo abaabuleen ururrada bulshada rayidka ah ee degmada Afmadow ayaa saaka ka bilowday degmadaasi, ayadoo dadweeynihii dibadbaxa dhigayay ay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay uga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya.

8/27/2018 4:09 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL) –Askari ka tirsan ciidamada Booliis-ka dowladda Soomaaliya ayaa bartamaha magaalada Beledweyne toogasho ku dilay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saney oo wadde ka ahaa mid ka mid ah gaadiidka Bajaajka ee ka dhax shaqeeya magaalada.

8/27/2018 2:46 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa isku diyaarineysa socddaalkeedii ugu horeeyay oo ay ugu anbabaxey-so qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Africa tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay sanadkii 2016ka.

8/27/2018 1:53 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)–Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay dad ka qeybgalay tartanka ciyaaraha Komputarka [video game] magaalada Jacksonville ee gobolka Florid., sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska gobolka.

8/27/2018 1:20 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)- Hogaamiyihii ISIS ee dalka Afganistan, oo mas’uul ka ahaa weerarradii dhawaan dhacay oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah, ayaa lagu dilay weerar diyaaradeed oo Mareykanku qaaday, sida ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen Fox News Axaddii.

8/27/2018 1:10 AM EST
Isniin, August, 27, 2018 (HOL)- Fadhi golaha baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku yeesheen magaalada Jigjiga maalintii shalay ayaa xasaannada lagala noqday 7 xubnood oo horay uga tirsanaa xisbiga tallada haya oo uu mid yahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.