3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Kheyre oo Gabadhii ugu horeysay oo ka tirsan ciidamada Booliiska u xiray darajada Sarreeye Guuto

 

Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo.

“Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre.

“Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka.

Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/26/2018 1:37 PM EST
Axad, August, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa isaga iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo waxaa ay tageen magaalada Jigjiga ee xarunta u ah dowlad deegaan-ka Soomaalida.

8/26/2018 8:21 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL) – In ka badan afar iyo toban baabuur oo iskugu jira noocyadda kala duwan ee Gaadiidka oo laga soo dhacay Itoobiya ayaa maanta lagu wareejiyey dawladda Itoobiya.

8/26/2018 7:31 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Ayadoo dhawaan dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday maamulka degmada Garbahaareey iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo degmadaasi gaaray ayaa waxaa soconaya dadaallo la doonayo in wax looga qabto cabashooyinka shacabka degmadaasi.

8/26/2018 6:52 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Machadkan oo lagu magacaabo Hiigsi ayaa waxaa daahfuray dhalinyaro aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, ayadoo machadku daraasaad iyo cilmi baaris uu ku sameyn doono arimaha isbadallada dalka Soomaaliya ka socda, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, siyaasadda, ammaanka iyo arimaha bulshada.

8/26/2018 6:49 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay.

8/26/2018 6:44 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo wada shaqeynta hey’addaha ka howlgala albaabada Dalka laga soo galo ama looga baxo sida; Xuduudaha dhulka, Garoomada diyaaradaha iyo Dekadaha.

8/26/2018 4:34 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha maxkamada sare Baashi Yuusuf Axmed ee dalka oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay in la dhisayo Golaha adeegga Garsoorka dalka oo la kala diray sanadkii 2015ka, wixii ka danbeeyay waqtigaanna aan shaqeyn.

8/26/2018 2:12 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo magaalada Addis Ababa kula kulmay warbaahinta gudaha dalkaasi Itoobiya ayaa soo hadal qaaday waxa laga yeelayo arinta madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxa’uud Cumar hadda ku jira gacanta hay’addaha Amniga.

8/26/2018 1:24 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa fariin digniin ah u dirtay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ee caadeystay sida ay hadalka u dhigtay in ay dad-weynaha ka qaadaan lacago sharci darro ah.

8/26/2018 1:03 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL) - Hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa lagu xiray magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

8/26/2018 12:52 AM EST
Axad , August, 26, 2018 (HOL)-Mid kamid ah siyaasiyiinta rug-cadaaga ee aqalka Senate-ka Mareykanka, John McCain ayaa ku geeriyooday da'da 81 sano.