Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Duqa Muqdisho ahna
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow)
oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey
Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar
gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga,
iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada.
“Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay
waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu
danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha
deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha
Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane
Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka
Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay
muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo.
Dhinaca kale, Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar
Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya
Soomaaliya Amb. Qin Jian, waxana ay ka wada hadleen sidii ay door uga qaadan
lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]