Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Hey’adda
Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay
shir looga hadlayo wada shaqeynta hey’addaha ka howlgala albaabada Dalka
laga soo galo ama looga baxo sida; Xuduudaha dhulka, Garoomada diyaaradaha iyo
Dekadaha.
Shirka oo furitaankiisa goob joog ay ka ahaayeen
mas’uuliyiin kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ugu
muhiimsan ee lagu adkeyn karo xiriirka wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya dhammaan
hey’adaha ka howlgala meelaha wadanka laga soo galo.
Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
Soomaaliya, gaashaanle sare Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in u jeedka
kulanka ay tahay helitaanka iskaashi buuxa oo dhex mara dhammaan laamaha
howshoodu tahay albaabada dalka laga soo galo ama looga baxo.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay, xeer ilaaliyaha
guud ee qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka booliiska Soomaaliya,
sareeyo gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga, Mudane
Maxamuud Maxamed Boonow iyo mas’uuliyiin kale.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]