4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Golaha adeegga Garsoorka dalka Soomaaliya oo la dhisayo

 

Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha maxkamada sare Baashi Yuusuf Axmed ee dalka oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa sheegay in la dhisayo Golaha adeegga Garsoorka dalka oo la kala diray sanadkii 2015ka, wixii ka danbeeyay waqtigaanna aan shaqeyn.

Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wareeg-to uu soo saaray ku kala diray golihii adeegga garsoorka dalka, taasoo dhalisay muran badan dhinaca sharciga ah.

Guddoomiyaha maxkamada sare ayaa sheegay in dhismaha guddiga adeegga garsoorka dalka uu muhiim u yahay guud ahaanba marka la eego caadaallada dalka, isaga oo sheegay ka hor inta aan la dhisin la galin doono la tashi-yo dheeraad ah si loo helo dad leh aqoontii loo baahnaa.

Baashe oo dhinaca kale ka hadlay howlaha maxkamada sare ayaa sheegay in maxkamada sare ay xitaa u sii shaqeyn doonto sida uu hadalka u dhigay sidii maxkamad dastuuri ah haddii ay dhacaan arrimo dhinaca sharciga ama dastuurka ah oo leysku qabto.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii May xilkan guddoomiyaha maxkamada sare u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin dhalinyaro oo horay uga soo shaqeeyay hay’addaha garsoorka Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]