4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Dowladda oo u digtay askarta lacagaha baadda ah ka qaada dad-weynaha

 

Axad , August, 26, 2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa fariin digniin ah u dirtay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ee caadeystay sida ay hadalka u dhigtay in ay dad-weynaha ka qaadaan lacago sharci darro ah.

Taliye ku-xigeen-ka hay’adda danbi-baarista Bashiir Nuur Geedi ayaa sheegay in ay jiraan askar caadeystay in hubka iyo muuqaalka ciidamada ay ku hantadaan bulshada iyaga oo ka qaadanaya lacago aan sharci aheyn.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay dowladdu sheegtay in 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed loo xiray arrimo la xiriira musuqmaasuq.

‘’Askari laga aqbalayo malaha in hub-ka iyo hey-bada ciidamada u bulshada ku dhibaateeyo, gaar ahaan waxaa fariintan loo dirayaan askarta caadeysatay in bulshada ka qaataan lacagaha baadda ah’’ ayuu yiri Bashiir Nuur Geedi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa muddo dheer-ba loo jeedinayay eedeymo la xiriira in ay qaataan lacago aan sharci ku dhisneyn, kuwaa oo qaarkood qaadashada lacagaha noocaa ah u dilay qaar ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka dad-weynaha marka ay isku dayaan in ay ka biyo diidaan bixinta lacagaha baaddda ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]