4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
John McCain oo geeriyooday

 

Axad , August, 26, 2018 (HOL) - Mid kamid ah siyaasiyiinta rug-cadaaga ee aqalka Senate-ka Mareykanka, John McCain ayaa ku geeriyooday da'da 81 sano.

McCain oo kamid ahaa askartii Mareykanka ee kasoo qeyb qaatay dagaalkii Vietnam ayaa waxaa uu muddo la xanuunsanayay Kansarka ku dhaca maskaxda.

Waxaa uu kamid ahaa duuliyayaashi ugu da'da yaraa ee ciddammada badda ee Maraykanka . Diyaarada uu waday ayaa waxaa lagu soo riday magaalada Hanoi ee dallka Vietnam xiligii uu socday dagaalkii Vietnam

Jirdil wayn ayaa loo geeystay wuxuuna xabsi ku jiray muddo dhan shan sano iyo bar. Waxay ahayd taarikh aan la hilmaami karin oo dhaawacyo joogta ah noolashiisa ku reebtay.

Marka u dib ugu soo laabtay dalka Maraykanka waxaa loo aqoonsaday halyey dagaal arrintaas oo u horseeday in u siyaasadda ku birro. Wuxuu siyaasi ahaa in kabadan soddon sano oo u ka tirsanaa xisbiga jamhuuriga dalka Maraykanka wuxuu aqalka senateka ku matalayay gobolka Arizona.

John McCain waxuu ahaa nin aan ka xishoooneynin inuu si madax banaan aragtidiisa u soo bandhigo waxaa uuna diyaar u ahaa in u dhaleceeyo ama ka hor imaado siyaasadaha xisbiga jamhuuriga haddii loo baahdo.

Si kastaba haa ahaate, isagoo leh sumcadda noocaas ah ayaa haddana xisbiga jamhuuriga wuxuu u soo xulay inuu noqdo qofka u tartamaya xilka Madaxweynanimada Maraykanka sannadkii 2008dii

Waxay ahayd tartan u Madaxweyne Obama kaga guulesyatay inkastoo labadooda ay isku hayeen xushmaad weyn.

Balse ixtiramkaasi ayaan ka dhexeynin Madaxweynaha haatan talada Maraykanka haya ee Donald Trump iyo Mr McCain

Waxuu kamid ahaa dadka aad u dhaleceeya iyadoo Madaxweyne Trump uusan weligii u cafinin McCain qaabkii u uga soo horjedsaday Isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in meesha looga saaro adeega caafimaadka ee Obama Care.

Sanadki aynu soo dhafnay ee 2017ka ayaa senator John McCain waxaa lagu ogaaday in u qabo Kansarka Maskaxda.

Warbixin ay soo saaren qoyskiisa ayaa waxaa lagu sheegay in senatarka u go'aansaday in u qaato daawooyinka arrintaas oo ay ku tilmaamen inay tahay rabitankiisa .

Xigasho/BBC