4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2018
ONLF : Waan la shaqeyneynaa madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka

 

Sabti, August, 25, 2018 (HOL) – Ururka ONLF ayaa markii ugu horeyay soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee dhawaantan loo doortay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Max’uud Cumar Cagjar sida uu Idaacada VOA u sheegay afhayeenka ururka.

Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in ay si buuxda ula shaqeynayaan madaxweynaha, cusub laakiin waxaa uu ka digay in dowladda dhexe ee Itoobiya ku lug yeelato arrimaha gudaha ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

‘’Annaga madaxweynaha cusub waxaa u aragnaa Nin dhalinyaro ah oo hay’addo caalami ah ka soo shaqeeyay oo wadani ah oo runtii wax yaabo badan oo muhiim ah ay ONLF ka mideysan yihiin’’ ayuu yiri Hirmooge.

Mar wax laga weydiiyay wax yaabaha ka mideysan yihiin ayuu ku jawaabay’’ Waxaan ka mideysannahay midnimada umadda Soomaaliyeed, midnimada dhulka, xaquuqda dadka Soomaaliyeed iyo taariikhda dadka Soomaaliyeed ee deegaanku leeyihiin ayuu yiri’’ afhayeenka ONLF .

Wuxuu shegay in madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka iyo xubno ka tirsan Ururka isku arkeen sida uu hadalka u dhigay magaalada Addis Ababa isaga oo yiri’’ “Madaxweynaha kulan qiimo badan ayaa na dhaxmaray, kulankaana si aad u qiimo badan ayuu u dhacay, is afgarad weyn-na waan gaarnay,. Rajo bandanna waxaan ka qabnaa hadafkii jabhada ee ahaa in dadka Soomaaliyeed la mideeyo in la heli doono.

Dhawaan ayeey aheyd markii madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar uu sheegay in la badali doono magaca iyo calanka dowlad deegaanka meesha-na laga saari doono ereyga Itoobiya ee ku lamaansan dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana muuqata in ONLF arintaa siweyn u soo dhaweynayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]