Mareykanka oo Abiy Ahmed kala hadlay xoojinta dib-u-habeyn lagu sameeyo siyaasada Xuquuqda Aadanaha
Sabti, August , 25,
2018 (HOL)– Wadigan Mareykanka ka socday ee gaaray Arbacadii ina dhaaftay ee
todobaad hore magaalada Addis Ababa waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Christopher Smith,
iyaga oo kulan Khamiistii ay la yeesheen ra’iisal wasaaraha Itoobiya kala
hadlay dib –u-habeyn lagu sameeyo siyaasada la xiriirta dhowrista Xuquuqda
Aadanaha.
Isaga oo la hadlay
warbaahinta ayuu Christopher Smith
sheegay in socdaalkoodu ahaa mid ku saleysan sidii ay u ogaan lahaayeen
dareenka ra’iisal wasaaraha ee la xiriira dib-u-habeynta siyaasada Xuquuqda Aadaha iyo waliba guud ahaan isbadallada ka jira dalka tan iyo markii uu
xafiiska la wareegay ra’iisal wasaare Abiy.
Labada dhinac ayaa
sidoo kale ka wada hadlay xaalada ugu danbeeyay ee gobolka geeska Africa,
waxaana uu ra’iisal wasaare Abiy wafdiga ka socday Mareykanka uu sharaxaad guud
ka siiyay is-badallada maamulkiisa ee la xiriira dhinac-yada Siyaasada,
Dhaqaalaha iyo waliba Xuquuqul Insaanka.
Wafdiga ayaa dhinacooda
ballan qaaday taageero joogta ah oo ay siin doonaan ka miro-dhalinta is
badallada uu waddo maamulka uu madaxda ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.
Abiy ayaa lagu
amaanay si deg deg ah ee markiiba uu dalka uga hergaliyay siyaasad ku dhisan Cadaallada iyo
Dimuquraadiyad, isaga oo xabsiyada ka sii daayay tiro maxaabiis ah oo loo xir
xiray arrimo siyaasadeed iyo in uu wadamada dariska ah u fidiyay gacan –nabadeed,
gaar ahaan marka la eego heshiiskii uu la galay dalka Eritrea.
Wafdigan ka socday
dowladda Mareykanka ee tagay Addis Ababa ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa
halkaa booqda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Abiy Ahmed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]