Sabti, August , 25,
2018 (HOL)– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyay qorshe
toddobaadka dambe uu xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo uu booqasho uga
tegi lahaa Kuuriyada Waqooyi, qoraalo is xiga xiga uu kusoo qoray Twitter-ka
ayuu Trump kaga cawday inaysan jirin horumaro laga gaaray qorshaha xukuumadda
Pyongyang ee ku aadan bur-burinta barnaamijka Nukliyerka.
Madaxweyne Trump wuxuu ku eedeeyay Shiinaha
inaysan ka qayb qaadanaynin caawinta qorshaha burburinta nukliyerka ee
Kuuriyada Waqooyi,sababtana wuxuu ku sheegay xiisadda dhanka ganacsiga ee
xukuumada Washintgon kala dhexeeyso Shiinaha. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in
Pompeo uu booqan doono Kuuriyada Waqooyi marka xal laga gaaro ismari-waaga
dhanka ganacsiga ee ka dhex taagan Mareykanka iyo Shiinaha.
Horaantii bishan ayay ahayd markii Kuuriyada
waqooyi ay mar kale si kulul ugu dhaliishay Mareykanka in uusan wali qaadin
cuna-qabateynta saaran dalkaas.
Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in
dhankooda ay qaadeen tallaabooyin wanaagsan oo horseedi kara is af-garad, balse
Mareykanku ay ilaa hadda sii amba qaadayaan waxa ay ugu yeertay "hadallada
uu waqtigooda dhacay" ay-na curyaaminayaan dhaq-dhaqaaq kasta oo lagu
raadinayo bur burinta hubka wax gumaada ee nuclear-ka.
Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa in muddo ahba la
daalaa dhacaya cadaadis caalami ah iyo cuna-qabateyn uu Mareykanka beesha
caalamka kaashanaya kusoo rogay kuwaasoo ay ku muteysatay barnaamijkeeda hubka
nuclear-ka iyo gantaallada ay tijaabiso.
Hase ahaatee Mareykanka ayaa doonaya in hub ka
dhigis buuxda oo nuclear ah lagu sameeyo waddankaas ka hor inta aan laga dul
qaadin cuna qabateyta.
Madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada
Waqooyi Kim Jong-un ayaa bishii June isku waafaqay in ay ka wada shaqeeyaan
howsha ku saabsan sidii hubka nuclear-ka looga sifeyn lahaa gacamnka Kuuriya.
Balse faah-faahinta dheeriga ah ee heshiiskaas
ayaan wali si buuxda usoo bixin - sidoo kalena Kuuriyada Waqooyi ayaan wali si
rasmi ah u xaqiijinin in ay ka tanaasuleyso hubkeeda nuclear-ka.
Xigasho/BBC