4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2018
Rabshado khasaare sababay oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey

 

Jimco, August, 24, 2018 (HOL)-Sida goob-jogayaal ay u xaqiijiyeen Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ciidamo ka tirsan maamul gobolleedka Jubbaland ayaa weeraray saldhig ciidan magaalada Kismaayo, waxaana weerarkan la xaqiijiyay in ay ku dhaawac-meen Labo ruux.

Xerada la weeraray oo lagu magacaabo Fiyaat waxaa deggan ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugida Jubbaland, iyadoo raggan weeraray isku dayeen in ay la baxaan maxaabiis ku xirneyd saldhigga.

Dhinaca kale magaalada Garbahaarey rabshado ay dhiggeen dad ka soo horjeeday maamulka Jubbaland ayaa lagu dhaawacay wasiirka Qorsheynta ee maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirsi oo booqasho ku joogay magaalada Garbahaareey.

Wasiirka oo hadlay ayaa sheegay in uusan hadda qabin dhaawac –daran laakiin wax soo gaaray uu yahay Dakhar oo kaliya, isaga oo yiri ‘’Saakay ayaa naloo sheegay in magaalada ay koox isku abaabuleyso oo maamulka Jubbaland diidan, Anniga mudahaaraad iska nabad-galyo ah ayaan u qaatay dhib ma laha ayaan iri, bannaanka ayaa u baxay dadkii ayaan u yeeray markii ay ii soo dhawaadeen Makarafoonka  la ii dhiibay oo aan doonayay in aan hadalka bilaabo ayaa carruur yar yar oo mudahaaraadka qeyb ka ahaa dhagax igu soo tuureen dhagaxiii ayaana madaxa iiga dhacay’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in magaalada Garbahaareey uu u tagay qaban-qaabada shir halkaa ka dhici lahaa bisha danbe ee September oo ay ka soo qeyb-gali lahaayeen hay’addo caalami ah.

Ilaa iyo hadda maamulka Jubbaland kama uusan hadlin rabshadahan maanta ka kala dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]