3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2018
Askari ka tirsan ciidamada Jabuuti oo ku dhintay Qarax ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

 

Jimco, August, 24, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM uu ku dhintay Qarax miino oo degmada ka dhacay maanta.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa warbaahinta u sheegay in miinada oo lagu aasay meel waddada dhinaceeda ah uu haleelay gaadiid ay la socdeen ciidamada Jabuuti.

Qarax kaddib waxaa goobta tagay ciidamo kale oo gurmad ah oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaa oo goobta ka qaaday askar kale oo wax yeello ka soo gaartay qaraxa.

Waddada ciidamada qaraxa lagula eegtay ayaa dhawr mar oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay qarax-yo, kuwaasi oo khasaare geystay, islamarkaana ay masuuliyadooda sheegteen Al-shabaab

Ma jirto ilaa iyo hadda wax faah faahin ah oo saraakiisha ciidamada Jabuuti ka bixiyeen qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/24/2018 2:20 PM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL) -Sida goob-jogayaal ay u xaqiijiyeen Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ciidamo ka tirsan maamul gobolleedka Jubbaland ayaa weeraray saldhig ciidan magaalada Kismaayo, waxaana weerarkan la xaqiijiyay in ay ku dhaawac-meen Labo ruux.

8/24/2018 8:45 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta oo Jimco ah kula kulmay Ergo gaareysa 700 qof oo laga soo kala xulay gobolada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

8/24/2018 7:31 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay qabteen labo xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

8/24/2018 5:50 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL) - Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay warbaahinta u soo bandhigay hub iyo gadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weerar bishii August sanadkii hore 2017 lagu qaaday saldhig ciidamada xoogga dalka ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

8/24/2018 2:38 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL) – Australia ayaa yeelaynasa Ra'iisulwasaare cusub, waana Scott Morrison oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga talada haya Liberal Party, wuxuuna badalayaa Malcolm Turnbull, kaas oo ay meesha ka takhaantukhiyeen rag ay is hayeen oo isla xisbigiisa ka tirsan.

8/24/2018 2:03 AM EST
Jimco, August,24, 2018 (HOL)–Saraakiil Britain ah ayaa tababar u soo xiray ciidamo gaaraya 500 oo askari kuwaa oo qeyb ka noqonaya howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka soconaya deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

8/24/2018 12:27 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in saakay oo Jimco ah magaalada Addis Ababa uu kula kulmo xubno ka tirsan hogaanka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ergo kor u dhaafeysa ilaa 700 oo ruux oo laga kala keenay deegaannada Ismaamulka Soomaalida.