4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2018
Australia oo yeelatay Ra’iisul wasaare cusub

 

Malcolm Turnbull (bidix) oo uu xilka kala wareegi doono Scott Morrison 

Jimco, August, 24, 2018 (HOL) – Australia ayaa yeelaneysa Ra'iisul wasaare cusub oo noqonaya Scott Morrison oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga talada haya Liberal Party, wuxuuna badalayaa Malcolm Turnbull, kaas oo ay meesha ka takhaantukhiyeen rag ay is hayeen oo isla xisbigiisa ka tirsan.

Malcolm ayuu cadaadis ka haystay taageeradiisa oo hoos u sii dhacaysay iyadoo ay soo dhawaatay doorashadii ayna ka soo horjeedsadeen xildhibaanno badan.

Ra'iisulwasaarihii hore ayaan tartanka ka qaybgalin, balse Morison ayaase ka guulaystay Peter Dutton oo horray u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Julie Bishop.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa iscasilay wasiiradda maaliyadda iyo shaqaalaha ee xukuumadda Australia, kuwaasoo doonaya inay ku qasbaan in Malcolm Turnbull uu xilka wareejiyo.

Qaar badan oo ka mid ah shacabka Australia ayaa filaya in isla maanta uu dalkooda yeelan doono ra'iisal wasaare cusub kaasoo noqon doona kii lixaad ee xilka qabta muddo 10 sano gudahood ah.

Xigashada/BBC