3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2018
Ra’iisal wasaare Abiy oo maanta Addis Ababa kula kulmaya hoggaanka DDSI iyo qeybaha bulshada

 

Jimco, August,  24, 2018 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed  ayaa lagu wadaa in saakay oo Jimco ah magaalada Addis Ababa uu kula kulmo xubno ka tirsan hogaanka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ergo kor u dhaafeysa ilaa 700 oo ruux oo laga kala keenay deegaannada Ismaamulka Soomaalida.

Dadka uu maanta la shirayo Abiy Ahmed ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa la dajiyay hoteellada ugu qaalisan magaalada iyadoo la filayo in ay ka wada hadlaan Abiy Ahmed xaaladihii ugu danbeeyay ee deegaanka Soomaalida, dagaalka Oromada iyo waliba arrimo la xiriira qeybsiga kheyraadka iyo Cadaallada.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dagaalka muddada dheer soo socday ee labada Qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada kaddib markii hay’addaha xuquuqul Insaanka ku cel celiyeen in deg deg ah arrimahan wax looga qabto.

Guddiga fulinta ee shacabka dimuqraadiyadda dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maalin ka hor madaxweyne KMG ahna madaxweyne ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in hoggaanka cusub ee DDSI ay dib uga howlgalaan xarunta Jigjiga tan iyo markii ay rabshaduhu dhaceen inta badan hoggaanka dowlad deegaanka ay ku sugnaayeen magaalada Addis Abab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/24/2018 2:20 PM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL) -Sida goob-jogayaal ay u xaqiijiyeen Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ciidamo ka tirsan maamul gobolleedka Jubbaland ayaa weeraray saldhig ciidan magaalada Kismaayo, waxaana weerarkan la xaqiijiyay in ay ku dhaawac-meen Labo ruux.

8/24/2018 10:11 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM uu ku dhintay Qarax miino oo degmada ka dhacay maanta.

8/24/2018 8:45 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya maanta oo Jimco ah kula kulmay Ergo gaareysa 700 qof oo laga soo kala xulay gobolada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

8/24/2018 7:31 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay qabteen labo xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

8/24/2018 5:50 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL) - Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay warbaahinta u soo bandhigay hub iyo gadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weerar bishii August sanadkii hore 2017 lagu qaaday saldhig ciidamada xoogga dalka ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

8/24/2018 2:38 AM EST
Jimco, August, 24, 2018 (HOL) – Australia ayaa yeelaynasa Ra'iisulwasaare cusub, waana Scott Morrison oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga talada haya Liberal Party, wuxuuna badalayaa Malcolm Turnbull, kaas oo ay meesha ka takhaantukhiyeen rag ay is hayeen oo isla xisbigiisa ka tirsan.

8/24/2018 2:03 AM EST
Jimco, August,24, 2018 (HOL)–Saraakiil Britain ah ayaa tababar u soo xiray ciidamo gaaraya 500 oo askari kuwaa oo qeyb ka noqonaya howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka soconaya deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.