4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Puntland : Xeerka Macdanta iyo Shidaalka oo la ansixiyay

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL) - Golaha wasiirrada Puntland oo magaalada Garoowe ku yeeshay shirkoodii toddobad lahaa ayaa ansixiyay dhowr xeer, waxaa shirka guddoominayay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Kullanka ayaa ugu horreeyn lugu fallanqeeyay amniga, waxaana goluhu ay sheegeen inuu wanagsanyahay guud ahaan amniga Puntland,iyagoo shacabka faray inay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka.

Golaha xukuumadda Puntland ayaa dood dheer kaddib ansixiyey xeerka macdanta iyo Shidaalka iyo xeerka sugida amniga Garoomada oo horey loogu qeybiyey, ayna soo diyaariyeen Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoomada iyo Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland.

Xeerka Macdanta iyo Shidaalka ayaa qeexaya iswaafajinta maalgashiga iyo shuruucda dalka, ilaalinta deegaanka iyo ka faa`ideysiga kheyraadka dihin, Sidoo kale xeerka sugida amniga garoomada ayaa dhiirrigalinaya hagaajinta adeegyada garoommada Puntland, waxayna golaha oo ka duulaya dar dargelinta howlaha shaqo ee dalka meel mariyeen xeerarkan, sida ku cad warsaxaafadeed looga hadlay qodobbada shirka ka soo baxay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online

[email protected]