4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Ku simaha madaxweynaha DDSI oo ka hadlay xoriyatuqalka iyo ilaalinta xuquuqda bani’aadanka

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)- Ku simaha madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa sheegay in xoriyatul qawlkii iyo xuquuqda banidaa’nimada la ilaalinayo, waxaanu tilmaamay in wax kasta laga hadli karo haday tahay dastuurka Itoobiya iyo haddii isaga laftiisa la daacayadaynayo.

“Caalam-ka in madaxda wax laga sheego oo la faaleeyo oo habdhaqankiisa iyo sida uu u shaqaynayo in laga hadlaa lacag baa lagu helaa, laakiin xageena dacaayad baa la yidhaahda oo waa la isku xidhaa, maanta wixii daacayadayna wax xor baad tihiin waxna waad iga sheegi kartaa, waxaad doontaan waad ka hadli kartaa.”ayuu yidhi Cag-jar.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray “ laba qodob uun baa la ogolayn in qabiilo la isku dhufto, waa la odhan karaa reer hebel baa madaxweynaha dabayaacaya amba wuu u badiyey reerkooda, taasi dhib ma leh laakiin ta la diidan yahay waa in reer hebelow reer hebel weerara, dastuurka Itoobiya laga hadli karaa ma ogolin baa la odhan karaa, madaxweynuhu dadku ka mid yahay oo wax waa la iga sheegi karaa, daacadayaha aana idin bilaabaya oo waad odhan karta marna Ina Illay baa haysta marna Ina Cag-jar baa haysta dadkii aan isha iyo lugta lahayni aaway baad odhan kartaa”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Ugu dambey-ntiina waxaa lagu soo xiray heestii Soomaaliyeeyey toos oo isku tiirsaday oo si wada jir ah u qaadayeen.

Madaxweyne Mustafe Cag-jar ayaa ku dooday in dadka la bah-dilay oo loo diiday inay fikirkooda soo bandhigi karaan, isagoo u ballanqaaday in aanay cidi waxba odhan Karin oo siday doonaan usoo bandhigi karaan xoriyadoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.