4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii hore DDSI oo madaarka Hargeysa lagu qabtay

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)– Laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumadii madaxweynihii hore ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar, ayaa la sheegay inay dhuumasho ku soo galeen Hargeysa, isla markaana lagu qabtay madaarka Cigaal oo ay ka dhoofayeen.

Labadan wasiir oo kala ahaa Wasiirkii waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Ibraahim Aadan Mahad iyo wasiirkii Cadaaladda Cabdi Jaamac ayaa xadka Wajaale si qarsoodiya uga soo gudbay, maalmo ka dibna waxay doonayeen inay ka dhoofaan madaarka, waxaanay wararku sheegayaan inay ku sii jeedeen dalka Kenya.

Ciidanka Socdaalka Somaliland oo labadan masuul ka shakiyey ayaa wax ka waydiiyey sharciga ku dhoofayaan, taasina waxay keentay inay xabsiga u taxaabaan, haseyeeshee ma kala cadda in wali la hayo iyo in Itoobiya loo gudbiyey.

Xubno ka mid ah xukuumadii hore ee Cabdi Maxamed Cumar ayaa loo haysta dambiyo kala duwan oo ka dhacay deegaanka, gaar ahaa tii ka dhacay Jigjiga ee hantidda iyo dadkaba lagu waxyeeleeyey.

Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka duwan sidii ay hore ee ay ahaan jirtay, waxaaan xadka labadda dhinac dadka ku dhibi jirey ciidanka Liyuu booliska, haseyeeshee dadweynihii iskaga kala gooshi jirey ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin nidaamkii hore meesha laga saarayo, isla markaana ka raysteen dhibaataddii ciidankaasi ku hayey shacabka.

Ku simaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa isaga laftiisu ka mid ahaa dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay nidaamkii Cabdi Iley, ka dib markii walaalkii Faysal Cag jar ku dileen Dhagax buur, isla markaana Aabihiina xabsiga u taxaabeen.

Isbedelkan ka dhacay deegaanka Soomaalida ayaa dadka badankoodu soo dhoweeyeen, kuwaas oo sheegay in tacadigii dadka loo gaysan jirey ay meesha ka baxday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.