4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Labo Wiilal oo walaalo ahaa oo xalay lagu dilay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan xalay ku dileen degmada labo wiil oo sida la sheegay walaalo ahaa.

Dilkan ayaa gaar ahaan ka dhacay intaa u dhaxeysa xaafadda Xoosh iyo Ex-kootarool Afgooye, waxaana mid ka mid ah dhalinyaradan la dilay lagu sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama oga sababta loo dilay, hasse ahaatee toogashada kaddib waxaa goobta tagay ciidamo ka tirsan dowladda oo bilaabay baaritaanno la xiriira dilka.

Dilka dhalinyaradan ah ayaa imanaya xili sidoo kale maalintii shalay Isgoyska Bakaaraha lagu toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah oo kuwaa oo markii danbe meydkooda ay goobta ka qaadeen ciidamo ka tirsaan dowladda Soomaaliya.

Wali ma jiro wax war ah oo laamaha amniga ay ka soo saareen dilalkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]