4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Aqalka Cad oo beeniyay eedeymaha Trump loo soo jeediyay

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)– Afhayeen u hadashay aqalka cad ayaa diidday inay sheegto goorta uu madaxweynuhu ogaa lacago Mr Cohen uu laba qof oo dumar ah siiyey, intii uu socday ololaha doorashada ee 2016, kuwaasoo sheegay in xiriir uu dhex maray ayaga iyo Mr Trump.

Qiraalkiisa dambiga ee Talaadadii ayuu Mr Cohen ku sheegay inuu Mr Trump faray inuu lacagta bixiyo, ayadoo ujeedada ugu weynna ay ahayd in saamayn lagu yeesho doorashada.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Mr Cohen inuu abuurayo sheekooyin, si loogu xukumo xukun xoogaa yara khafiif ah.Aqalka cad ayaa ku adkaystay in qirashada qareenkii hore ee Donald Trump, Michael Cohen, uu qirtay inuu jabiyey shuruucda xagga maaliyadda ee ololeyaasha doorashooyinka uusan micnaheedu ahayn in madaxweynuhu ku lug lee-yahay.

Xigashad/BBC