4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Soomaali ku dhimatay iyaga oo gudana waajibaadka Xajka

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Afar Xaaji oo Soomaali ah geeriyoodeen iyaga oo gudana-waajibaadka Xajka.

Wararka ka imanaya dalka Sucuudi Carabiya ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaalida ah ee ku dhimatay Xajka sannadkan ilaa haatan ay marayso Afar qof,  Laba ka mid ah dadkaasi ayaa ku dhintay shilal baabuur.

Dhinaca kale, dadka ka soo xajiyey Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin duruufo adag oo dhinaca nolosha iyo nadaafadda ah.

Cusmaan Axmed Sheekh oo ka mid ah xujeyda Soomaalida ayaa sheegay in daruufo wajahayaan xujeyda ka soo xajisay  Soomaaliya marka loo eego xujeyda kale isaga kala timid dunimada dacaladeeda.

Meydadka xujeyday ayaa ku sii jiri doona qaboojiyaha ilaa inta uu ka soo dhamaadanayo xajka sida ay sheegeen howlwadeennada arrimaha xajka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]