4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2018
Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Marka

 

Khamiis, August, 23, 2018 (HOL)–Xaalada magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan kaddib dagaallo culus oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada.

Saraakiisha ciidamada gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ka dhacay degmada lagu dilay Shan dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaaab dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay degmada.

Inkastoo xaaladu hadda degan tahay hadda degmada waxaa ka jira barakac baahsan oo ay sameynayaa dadka rayidka ah oo ka cabsi qaba dagaal mar kale dib u dhaxmara ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Degmada waxaa ku sugan ciidamo uu hor-kacaya abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo kula dagaalamay gudaha degmada xoogagga Al-shabaab.

Marka waa magaalo xeebeed istiraataji ah oo muhiim u ah labada dhinac ee ku dagaalamaya marka loo eego halka ay ku taallo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]