4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Damaashaadka Ciidda iyo xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho


Arbaco, August, 22, 2018 (HOL) - Boqolaal ruux oo dadka reer Muqdisho ah ayaa isugu tagay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho halkaa oo inta badan munaasabadaha Ciidda dadku u dabaa-maashaad tagaan.

Dad isaga kala yimid degmooyinka gobolka ayaa damaashaadka Ciidul Axdaa ku qaatay xaafaddan oo inta badan laga helo goobo agabka carruurta lagu cayaarsiiyo iyo goobo ay dadka waa-weyn iyo waalidiinta carruurta la socta ku nastaan.

Goobtan oo ah mid amaan ah, waxaa xiliyada ciidaha ka muuqda isbadal ballaaran, waxaana lagu soo kordhiyaa adeegyo qaas ah oo loogu tallo galay dadka usoo damaashaad taga Daarusalaam.

Bulshadii halkaa isugu tagtay ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku faraxsan yihiin iyaga oo carruurtooda in ay ku damaashaad tagaan xaafadda Daarusalaam oo leh dhul ballaaran oo dalxiis.

Maamulka Xaafada Daarusalaam ayaa sheegay in adeegyo aan horey u jirin ay soo kordhiyeen ciidan, si ay u qanciyaan kumanaanka ruux ee usoo dalxiis taga xaafada.

Daaru-salam waa goobta ugu ballaaran oo lagu Dalxiiso oo ku taalla Muqdisho, waxaana dhisay ganacsato Soomaaliyeed oo reer Muqdisho ah.

Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maalmaha Ciidda taga goobaha qurxoon ee caasimada oo waqti ku soo qaataan iyaga iyo carruurtooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]