4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Mustafe Cagjar oo loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL) - War goor dhaw naga soo gaaray magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya guddiga fulinta xisbiga dimuquraadiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya madaxweyne u doorteen Mustafe Maxamuud Cumar  Cagjar.

Kulan maalmihii ugu danbeeyayba ay lahaayeen Golaha fullinta ee dowlada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Mustafa Muxumed Cumar loogu doortay in uu noqdo madaxweyanaha maamulka.

Mas’uulkan cusub ee la doortay ayaa la shaqeeyay hay'addo kala duwan oo Qaramada Midoobey ah, waxaana uu deegaan ahaa ka soo jeeda degmada Dhaga-buur ee Ismaaamulka Soomalida Itoobiya, isaga oo badali doono madaxweynihii sida ku meel-gaarka ah u sii hayay xilka Axmed Cabdi Maxamed Ilka Case

Wixii warar ah ee soo kordha waan idin soo gudbin doonaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]