3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Al-shabaab oo dhoola-tus ku soo bandhiggay dareyska militeri-ga Soomaaliya

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Ururka Al-shabaab ayaa Ciddii shalay degmooyinka Saaakow iyo Jilib oo ka wada tirsan gobolka Jubbada dhexe Soomaaliya ku soo bandhigay cutubyo ka tirsan xooggagooda oo ku labisan dareyskii ugu danbeeyay ee ciidamada militer-ga Soomaaliya.

Tuutaha ay soo bandhiggeen Al-shabaab ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa dareyskii ugu danbeeyay ee loo qeybiyay guutada 14ka Oktoobar oo la sameeyey wixii ka dambeeyey qaraxii bishii October ee sanadkan ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Dhoola-tuska waxaa kaloo ku jiray gaadiid leh astaamaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sida ka muuqatay sawirro lagu baahiyay baraha bulshadu ku wada xiriiraan.

Gen  Maxamed Nuur Galaal oo ah khabiir dhinaca ciidamada ah kana tirsan saraakiishii hore ee militer-ga Soomaaliya oo u waramay BBC-da ayaa sheegay in arintan ay ku iman karto labo sababood.

1- Iyadoo aan ciidamada dawladda Soomaaliya la siinin mushaar joogto ah, ayna leeyihiin carruur iyo xaasas, sidaa darteedna ay duruufta nolosha ee ku xeeran ku khasbayso inuu askarigu reerkiisa u helo nolol, oo uu suuqa geeyo wixii uu hayo.

2- In Shabaab ay ka furtaan darees iyo hub ciidanka dawladda.

 

Al-shabaab ayaa marar badan oo hore weeraro qorsheysan ku qaaday xarumo amaankooda siweyn loo ilaaliyo, inta badanna kooxaha weerarkaas geysta ayaa la arkaa iyaga oo ku labisan dareyska ciidamada dowladda xitaa qaarkood waxaa ay sitaan kaaraar aqoonsiga ciidan-nimo kuwaa kuwaa oo la rumeysan yahay  in dhamaan-tood qeyb ka qaataan in Al-shabaab si sahlan u galaan xarumaha dowladda.

Gen Galaal ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaaab marar badan oo hore agab militari oo dareysku ka mid yahay ka furteen xarumo ciidan oo ay weerarreen taasoo xitaa qeyb ka ah in ay si fudud ku hellaan dareyska.

 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay salaada Ciida kala qeyb-galay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay Al-shabaab iyo kooxaha kale ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya shisheeya wadanka ku soo duulay.

Dhoola-tuskan oo u muuqday mid ku tala-gal ah ayaa ugu yaraan fariin u diraya madaxda ugu sareysa dalka oo siweyn ula tacaalaya wax ka qabashada Amniga, gaar ahaan in Al-shabaab u gudbaan hub-ka iyo saanada militeri ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/22/2018 11:44 PM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL) - Boqolaal ruux oo dadka reer Muqdisho ah ayaa isugu tagay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho halkaa oo inta badan munaasabadaha Ciidda dadku u dabaa-maashaad tagaan.

8/22/2018 3:41 PM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa dhamaadka sanadkan ku bixin doonta lacag dhan Sh40 million ($400,000) oo dollar howlgalinta shaqaaleysiinta shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group (SPG) taa oo ka shaqeyn doonta sidii uu Mareykanka cunaqabateynta uga qaadi lahaa ciidamada qalab-ka sida ee Soomaaliya.

8/22/2018 12:44 PM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)-War goor dhaw naga soo gaaray magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya guddiga fulinta xisbiga dimuquraadiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya madaxweyne u doorteen Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar.

8/22/2018 9:02 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Koox bastoolado ku hubeysnaa ayaa goor dhaw ku toogtay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho labo ruux oo dhalinyaro ah sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjogayaal ahaa.

8/22/2018 7:45 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Taliska Mareykanka Africom ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in duqeyn maalintii shalay ay ka fuliyeen dulleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.

8/22/2018 7:02 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Getachew Assefa wuxuu ahaa madaxii ugu sareeyay hay’adda sirdoonka Itoobiya, waxaa amar lagu bixiyay in la soo xiro isaga oo ku eedeysan in uu galay danbi-yo kala duwan muddadii uu xilka hayay.

8/22/2018 3:05 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar bar bar socday duqeyn xooggan ay xalay Al-shabaab ku soo qaadeen demada.

8/22/2018 2:22 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaray degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Guri-Ceel ayaa sheegaya in maanta ay u tahay maalintii koowaad ee Ciidul-Axda oo siweyn looga dabaal-degay guud ahaanba dunida muslim-ka maalintii shalay.

8/22/2018 1:33 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa ka niyad xun dambi lagu helay madaxii hore ee ololihiisii doorashada, Paul Manafort, kaas oo la kulmi kara xarig tobanaan sano gaaraya.

8/22/2018 1:21 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorinaya ciidamada qalabka sida in ay laba-jibaaraan dagaalka ka dhanka ah sida uu hadalka u dhigay koooxaha argagixisada.