4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Mareykanka oo sheegtay duqeyn maalintii shalay ka dhacday dulleedka Kismaayo

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Taliska Mareykanka Africom ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in duqeyn maalintii shalay ay ka fuliyeen dulleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgal qorseysan oo ay wada jir u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab deegaan qiyaasti 46km W/Bari uga beegan magaalada Kismaayo.

‘’Waxaan qiimeyneynaa in ay jiraan dad rayid ah oo wax ku noqday weerarka ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay taliska ciidamada Mareyknka ee Africom’’

Ma’aha markii ugu horeysay ee Mareykanku sheegto duqeyn meelo kala duwan oo dalka ka ah ka dhacay, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ku xooggan yihiin Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]