3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Duqeyn xalay lagu weeraray degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar bar bar socday duqeyn xooggan ay xalay Al-shabaab ku soo qaadeen demada.

Dad ku sugan degmada Marka ayaa warbaahinta u sheegay in gaar ahaan weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab uu ka dhacay saldhig Booliis iyo xaafaddaha dulleedka ka xiga degmada.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada ayaa riday madaafiic ay kaga jawaabayaan weerarka Shabaab, si dhab ah looma khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, inkastoo uu jiro khasaare labada dhinac ah.

Labo cisho ka hor ayeey aheyd markii bartamaha degmada ay ku dagaalameen ciidamo hogaaaminayay abaanduulihii hore ee xoogga dalka Jen Cabdullaahi Cali Caanood iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u soo galay qeybo ka mid ah magaalada.

Marka ayaa sadanihi ugu danbeeyay waxaa daashaday dagaallo wajiyo badan oo isugu jiray kuwa qabiil ku saleysan iyo dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab taasoo ka dhigtay dadka degmada kuwo mar walba cabsi la daris ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/22/2018 11:44 PM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL) - Boqolaal ruux oo dadka reer Muqdisho ah ayaa isugu tagay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho halkaa oo inta badan munaasabadaha Ciidda dadku u dabaa-maashaad tagaan.

8/22/2018 3:41 PM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa dhamaadka sanadkan ku bixin doonta lacag dhan Sh40 million ($400,000) oo dollar howlgalinta shaqaaleysiinta shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group (SPG) taa oo ka shaqeyn doonta sidii uu Mareykanka cunaqabateynta uga qaadi lahaa ciidamada qalab-ka sida ee Soomaaliya.

8/22/2018 12:44 PM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)-War goor dhaw naga soo gaaray magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya guddiga fulinta xisbiga dimuquraadiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya madaxweyne u doorteen Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar.

8/22/2018 10:20 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Ururka Al-shabaab ayaa Ciddii shalay degmooyinka Saaakow iyo Jilib oo ka wada tirsan gobolka Jubbada dhexe Soomaaliya ku soo bandhigay cutubyo ka tirsan xooggagooda oo ku labisan dareyskii ugu danbeeyay ee ciidamada militer-ga Soomaaliya.

8/22/2018 9:02 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Koox bastoolado ku hubeysnaa ayaa goor dhaw ku toogtay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho labo ruux oo dhalinyaro ah sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjogayaal ahaa.

8/22/2018 7:45 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Taliska Mareykanka Africom ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in duqeyn maalintii shalay ay ka fuliyeen dulleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu dilay labo xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.

8/22/2018 7:02 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)– Getachew Assefa wuxuu ahaa madaxii ugu sareeyay hay’adda sirdoonka Itoobiya, waxaa amar lagu bixiyay in la soo xiro isaga oo ku eedeysan in uu galay danbi-yo kala duwan muddadii uu xilka hayay.

8/22/2018 2:22 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaray degmooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Guri-Ceel ayaa sheegaya in maanta ay u tahay maalintii koowaad ee Ciidul-Axda oo siweyn looga dabaal-degay guud ahaanba dunida muslim-ka maalintii shalay.

8/22/2018 1:33 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa ka niyad xun dambi lagu helay madaxii hore ee ololihiisii doorashada, Paul Manafort, kaas oo la kulmi kara xarig tobanaan sano gaaraya.

8/22/2018 1:21 AM EST
Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorinaya ciidamada qalabka sida in ay laba-jibaaraan dagaalka ka dhanka ah sida uu hadalka u dhigay koooxaha argagixisada.