4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo ciidamada kula dardaarmay in ay labo jibaaraan dagaaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Arbaco, August, 22, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorinaya ciidamada qalabka sida in ay laba-jibaaraan dagaalka ka dhanka ah sida uu hadalka u dhigay koooxaha argagixisada.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay la hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa ku tilmaamay Al-shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada shisheeye dalka ku soo duullaan ay oo ay tahay sida uu hadalka u dhigay meel looga soo wada jeesto.

‘’ Kooxaha Argagaxisada waa shisheeye ku soo duulay dalkee-na Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabduwali Jaamac Gorod oo dhawaan xilka laga qaaday laakiin wali aan wareejin ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu hormarinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo gaaro isku fiilnaasho dhinaca ciidamada ah.

Madaxweye Farmaajo ayaa ugu danbeyntii ciidamada ugu hambalyeeyy munaasabadda Ciidul Adxaa, oo ka mid ah ciiddaha ugu waaweyn dadka muslimka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]