3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya : Kooxaha Argagixisada waa shisheeye dalka duulaan ku ah'


Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan.

Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxaa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS.

Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14ka Oktoobar oo ku shahiiday hawlgalladii ay Ciidamada Xoogga Dalka kaga sifeeyeen kooxaha argagixisada ah deegaanno hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/21/2018 8:07 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saakay subaxnimadii la tukaday salaada Ciidul Adxaa shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar.

8/21/2018 7:15 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) - Guud ahaan dunidda islaamka ayaa si weyn loogu dabaaldegay maalinta Ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee ugu weyn muslimiintu ee ay iskugu soo baxaan.

8/21/2018 5:30 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Laba dhalinyaro ah ayaa dhintay halka mid kalena uu dhaawacmay kaddib markii ciidamada illaaada gudoomiyaha gobolka rasaas ku fureen taas oo dhalisay xiisad ka taagan magaalada Laascaanood.

8/21/2018 4:40 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Ra’iiaal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saakay salaadda Ciidda kula tukaday Kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

8/21/2018 3:50 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Ergeyga Gaarka ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Caetano Jose Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku began.

8/21/2018 3:32 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay xiray Daahir Mire Ducaale oo sheegtay in loo magacaabay taliyaha hay’adda Sirdoonka ee Jubbaland.

8/21/2018 1:13 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay baaritaanno dheeraad ah ku sameyneyso Dukumiin-tiyo dhalasho oo iska hor imanaya oo uu dalka Kenya ka qaatay taliye ku-xigeenka hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkan u magacaabay.

8/21/2018 12:14 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)–Guud ahaan marka la eego dunida Muslimka ayaa maanta oo Talaado ah waxaa siweyn looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-Axdaa oo ka mid ah ciiddaha ugu waaweeyn oo ay muslimiintu leeyihiin.