4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Madaxweyne Biixi“Soomaaliya waxaanu u sheegayna haddii ay weerar soo qaadaan inaanu haynno difaac nagu filan”

Talaado, August, 21, 2018 (HOL) - Guud ahaan dunidda islaamka ayaa si weyn loogu dabaaldegay maalinta Ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee ugu weyn muslimiintu ee ay iskugu soo baxaan.

Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa ciidda Adxa ku ciiday nabadgalyo iyo wakhti barwaaqo ah, waxaana ciidani ku soo beegan tahay wakhti uu habeen walba roobku da’ayo, xalay waxa magaalada Hargeysa biyo dhigay roob, kaasi oo nadiifiyey garoomadii lagu tukanayey, waxaana saaka labaddii ragcadood ee sunaha ahaa lagu tukaday iyadoo saxansaxo udgoon iyo laydh qabow oo aan boodh iyo siigo lahayn ka dhacaysay goobaha lagu tukanayey.

Dadku markii salaadda ka soo dareereen waxay isku salaamayeen ciid mubaarak iyo ciid wanaagsan, waxaana wadooyinka iyo goobaha laga cuntooyo buux dhaafiyey caruur ay galbinayaan waalidkoodda, kuwaas oo wajiyadoodda ka dareemaysay farxadda ciidal Adxa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee badhtamaha magaalada Hargeysa, waxaanu dadweynaha u jeediyey khudbad duco iyo salaam ah, marka uu soo tukadayna waxa uu dadweynaha ku qaabilayey madaxtooyadda oo dadku ku soo salaamayeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey hadallada ka soo yeedhay Puntland, waxaanu yidhi “Walaallayaal ayaamahan ay xaaraanta tahay in dhiig la daadiyo ama colaadba la abuuraa, dawladdii Soomaaliya oo dhaar ku maraysay inay Somaliland soo weerarayso oo aanay dagaalka joojinaynin. Waa mid la yaab leh oo maanta Soomaaliya kama aynnu filaynin oo aynu ognahay wixii Somaliland ku dhacay inaynnu nabad iyo walaaltinimo ka taagannahay oo aynu leenahay dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa soomaali oo dhan ugu filan dadka masuuliyiinta ah Muqdisho iyo Garoowe jooga ee maanta ku dhaaranaya inay Somaliland soo weerarayaan waa Fal-nacuuduka billaahi, annaguna wixii na gaadhay ee horena waannu qabnaa, nabadna waanu ka doonaynaa, inay maanta Soomaaliyi isku dhimatona diiniyan iyo dadnimo midna sax ma aha.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay difaacayaan Somaliland, waxaanu yidhi “Soomaaliya waxa aan u sheegayaa haddii ay maanta weerarkaas soo qaadaan inaanu haynno difaac innagu filan iyo dalka iyo dadkaba ay ciidanka iyo dawladduba gelinayaan, waxanu u sheegaynaa inay dawladda iyo ciidamadu ku filan yihiin inay dalka ammaan geliyaan oo aan dalka lagu soo duulin oo aan khalkhal la gelinin oo nabadda aanu intaas ku baaqaynaa aanay ahayn baqe iyo taag-darro’e ay tahay waayo-aragnimo iyo danta guud oo la eegayo, ciddii ka maarmi weyda ee wixii hore ee maanta Xamar iyo Garoowe kasoo hanjabaysa miyir-qab uma aragno, haddii ay nasoo weeraraanna dadka iyo dalkaba waanu daafacaynaa,”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.