9/20/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo Kumannaan ruux Masjidka Is-baheysiga kula Oogay Salaada Ciidda


 

Talaado, August, 21, 2018 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saakay salaadda Ciidda kula tukaday Kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isku damqasho iyo is-garab qabasho.

“Waxaa aan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul-Axdaa, waxaan leeyahay sannadkaan sannadkiisa ku ciida Bashbash, barwaaqo, nabad iyo Ciid wanaagsan”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxaa, una rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda xusuusiyay in la ilaaliyo midnimada dalka, maadaama uu yahay dalka kaliya ee aan leenahay isaga oo shacabka ka codsaday in ay garab istaagaan dadaallada dib loogu dhisayo nidaam dowladeed oo sal adag.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
8/21/2018 10:57 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan.

8/21/2018 8:07 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saakay subaxnimadii la tukaday salaada Ciidul Adxaa shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar.

8/21/2018 7:15 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) - Guud ahaan dunidda islaamka ayaa si weyn loogu dabaaldegay maalinta Ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee ugu weyn muslimiintu ee ay iskugu soo baxaan.

8/21/2018 5:30 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Laba dhalinyaro ah ayaa dhintay halka mid kalena uu dhaawacmay kaddib markii ciidamada illaaada gudoomiyaha gobolka rasaas ku fureen taas oo dhalisay xiisad ka taagan magaalada Laascaanood.

8/21/2018 3:50 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Ergeyga Gaarka ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Caetano Jose Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku began.

8/21/2018 3:32 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay xiray Daahir Mire Ducaale oo sheegtay in loo magacaabay taliyaha hay’adda Sirdoonka ee Jubbaland.

8/21/2018 1:13 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay baaritaanno dheeraad ah ku sameyneyso Dukumiin-tiyo dhalasho oo iska hor imanaya oo uu dalka Kenya ka qaatay taliye ku-xigeenka hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkan u magacaabay.

8/21/2018 12:14 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)–Guud ahaan marka la eego dunida Muslimka ayaa maanta oo Talaado ah waxaa siweyn looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-Axdaa oo ka mid ah ciiddaha ugu waaweeyn oo ay muslimiintu leeyihiin.