3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo xiray shaqsi sheegtay in uu yahay taliyaha NISA ee Jubbaland

 

Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay xiray  Daahir Mire Ducaale oo sheegtay in loo magacaabay taliyaha hay’adda Sirdoonka ee Jubbaland.

Warkan ka soo baxay taliska hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in shaqsigan uu watay warqado been abuur ah, islamarkaana ay ciidamada amniga gacanta ku soo dhigeen xabsigana loo taxaabay.

“Shaqsi sheegtay inuu Taliyaha NISA u magacaabay qeybta Jubbaland oo watay warqado been abuur ah ayaa ciidamada amniga caawa fiidkii soo qabtay. ciidamadu waxey u taagan-yihiin ilaalinta kala danbaynta”.ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska NISA.

Shaqsigan ayaa dhawaan sheegtay in loo magacaabay taliyaha NISA ee Jubbaland, iyadoo dowlad goboleedka Jubbaland ay ka soo celiyeen magaalada Kismaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/21/2018 10:57 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan.

8/21/2018 8:07 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saakay subaxnimadii la tukaday salaada Ciidul Adxaa shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar.

8/21/2018 7:15 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) - Guud ahaan dunidda islaamka ayaa si weyn loogu dabaaldegay maalinta Ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee ugu weyn muslimiintu ee ay iskugu soo baxaan.

8/21/2018 5:30 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Laba dhalinyaro ah ayaa dhintay halka mid kalena uu dhaawacmay kaddib markii ciidamada illaaada gudoomiyaha gobolka rasaas ku fureen taas oo dhalisay xiisad ka taagan magaalada Laascaanood.

8/21/2018 4:40 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Ra’iiaal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saakay salaadda Ciidda kula tukaday Kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho.

8/21/2018 3:50 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)-Ergeyga Gaarka ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Caetano Jose Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo maanta ku began.

8/21/2018 1:13 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay baaritaanno dheeraad ah ku sameyneyso Dukumiin-tiyo dhalasho oo iska hor imanaya oo uu dalka Kenya ka qaatay taliye ku-xigeenka hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkan u magacaabay.

8/21/2018 12:14 AM EST
Talaado, August, 21, 2018 (HOL)–Guud ahaan marka la eego dunida Muslimka ayaa maanta oo Talaado ah waxaa siweyn looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-Axdaa oo ka mid ah ciiddaha ugu waaweeyn oo ay muslimiintu leeyihiin.