4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Dowladda Kenya oo baareysa sida uu dhalashada Kenya ku helay Fahad Yaasiin agaasime ku xigeenka NISA

 

Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay baaritaanno dheeraad ah ku sameyneyso Dukumiin-tiyo dhalasho oo iska hor imanaya oo uu dalka Kenya ka qaatay taliye ku-xigeenka hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkan u magacaabay.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in Fahad Yaasiin oo ah taliye ku-xigeenka hay’adda NISA la ogaaday in uu heysto Baasaboor iyo Karaar dhalasho oo iska horimanaya oo uu ka qaatay dalka Kenya, kuwaa oo qaarkood uu ku tagay safari badan oo dibedda ah.

Xog-hayaha Socdaalka, Xuduudaha, iyo diiwaangelinta dadka ee dalka Kenya Maj. Gen Gordon Kihalang ayaa warbaahinta u sheegay Isniintii shalay in uu socdo baaritaanka ku saabsan sida uu mas’uulkan ku helay kaararka aqoonsiga Kenya, hasse ahaatee waxaa uu ka gaabsaday in uu macluumaad dheeraad ah bixiyo isaga oo yiri’’ Ma rabo in aan ka hor dhaco arrimo aan wali kala cadeyn.

Fahad Yaasiin ayaa heysta baasaboor Kenyan ah oo nambarkiisa yahay C024542 iyo sidoo kale kaarka aqoonsi muwaadinimada oo nambarkiisa 28847167, soo raad raac u noqonay baaritaanka socda.

 

Fahad  ayaa Baasaboorkiisa ku qaatay in uu ku dhashay magaalada Mandhera 19 July sanadkii 1978dii, waxaana basaboorkiisa la soo saaray 06 September sanadkii 2013kii kaa oo dhacaya 5 September sanadka 2023.

Laakiin Kaarkiisa aqoonsiga ee soo baxay 13 July sanadkii 2017 ayaa waxaa ku xusan in uu ku dhashay Soomaaliya waana tan shakiga weyn ku abuurtay dowladda Kenya.

Faah faahinta iyo cadeymaha ID-giis ay muujinaya dhinaca kale  in uu dhashay 5tii April sanadkii 1978dii kaa oo la soo saaray sanadkii 2001.

 

Eedeymahan oo labadii maalmood siweyn u qabsaday baraha bulshada wali kama uusan jawaabin taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo dhinaca kale ah shaqsi siweyn ugu dhaw madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]