4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 21, 2018
Dunida Muslimka oo maanta looga dabaal-degayo munaasabada Ciidda

 

Talaado, August, 21, 2018 (HOL) – Guud ahaan marka la eego dunida Muslimka ayaa maanta oo Talaado ah waxaa siweyn looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-AdxaaCarafo oo ka mid ah ciiddaha ugu waaweeyn oo ay muslimiintu leeyihiin.

Dadka ayaa saacadaha soo socda isugu imaanaya Masaajidda iyo Garoomadda waa weyn, si ay u tukadaan Labada Ra-kacadood ee Salaada Ciidul Adxaa.

Gaar ahaan Soomaaliya ayaa maanta siweyn looga ooga munaasabada Ciidul-Axdaa oo waxaa gobollada dalka Soomaaliya oo dhan ka socda dabaal-dega Ciidda, Masaajiddana subaxnimadii hore ee saakay ayaa-ba laga bilaabay akhrita Takbiirta.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ummadda Soomaaliya ugu hambal-yeeyay Ciidda iyaga oo ugu baaqay in leys kaalmeeyo lagana shaqeeyo amniga.

Malaayiin Xujey ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa shalay istaagay Banka Carafo, halkaasi oo muslimiinta ku gudanayaan mid ka mid ah Rukniyada ugu muhiimsan Xajka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]