Human Rights Watch : Waa in la baaraa taca-diyada ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Waxaa looga baahan yahay
dowladda Itoobiya in ay samayso hawlgal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla
markaana madax bannaan si ay uga salgaarto tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyo
jebinta xeerarka dagaalka ee sanadaha badan ka socday deegaanka Soomaalida ee
bariga Itoobiya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Waa in
arintaasi ay qeyb ka noqdaan baaritaanno gaar ah oo lagu eegayo mas’uuliyadda
ay tacaddiyadaasi ku leeyihiin saraakiil sarsare oo gobolkaasi ah, gaar ahaan
madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaamiyaha haatan ee ciidanka
Liyu booliska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Burale.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 6-dii Agoosto xilka ka degay,
ka dib rabshado ka dhacay magaalada Jigjiga oo ciidanka Liyu booliska iyo
dhalinyaro daacad u ah Cabdi Iley ay ku weerarreen dadka deegaanka isla
markaana ay gubeen hanti.
“Si looga gudbo wixii dhacay, waxaa looga baahan yahay
dowladda Itoobiya xaqiijinta in cadaalad loo helo tacaddiyada argagaxa leh ee
mudada ka badan tobanka sano ka dhacayay deegaanka Soomaalida,” ayay tiri Maria
Burnett oo ah agaasimaha Human Rights Watch ee Bariga iyo Geeska Afrika, oo
intaa ku dartay, “Waa in ajendayaasha isbedelka ah ee Ra’iisal Wasaare Abiy ay
ka mid noqdaan in dadka mas’uulka ka ah tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda
aadanaha, si kasta oo ay u awood badan yihiin, ay cadaaladdu qabato.”
Deegaanka Soomaalida, oo
ku yaal meel muhiim ah isla markaana dhaca soohdinta kala qeybisa Soomaaliya
iyo Itoobiya, ayaa waxaa muddo ka badan toban sano ka dhacayay tacaddiyo
ballaaran oo ka dhan ah dadka rayidka ah, kuwaasoo ay geysteen ciidamada
Itoobiya iyo xooggaga Liyu boolis. Tan iyo sanadkii 2007, waxaa aad loo
xaddiday baaritaannada ku aaddan waxa ka socda gobolka. Waxaa la xayiray
galaangalka ay weriyayaasha, hay’adaha gargaarka, kuwa xuquuqda aadanaha iyo
kormeerayaasha madaxa bannaan u leeyihiin deegaanka.
Tacaddiyada ayaa si gaar
ah usii batay tan iyo sanadkii 2007, xilligaas oo dagaalkii u dhexeeyay
jabhadda ONLF iyo ciidamada difaaca Itoobiya uu sare u kacay. Dowladda Itoobiya
ayaa samaysay ciidanka Liyu boolis (oo luuqada Amxaariga loola jeedo “mid gaar
ah”) kaasoo sanadkii 2008 noqday mid si ballaaran loogula dagaallamay jabhadda
isla markaana ka amar qaadanayay Cabdi Iley oo xilligaasi ahaa madaxa ammaanka
ee deegaanka, ka dibna muddo sideed sano ah hayay xilka madaxweynaha dowlad
deegaanka.
Warbixin ay Human Rights
Watch baahisay 2008 ayay ku ogaatay in xooggaga ammaanka ee Itoobiya iyo
jabhadda la dagaallamaysay ay dembiyo dagaal geysteen intii u dhaxaysay
bartamihii 2007 ilaa horraantii 2008, iyo in ciidamada Itoobiya ay mas’uul ka
ahaayeen dembiyo ka dhan ah aadanaha marka la eego dilalka, jirdilka, kufsiga
iyo barakicinta qasabka ah ee la diiwaangeliyay. Human Rights Watch ayaa
ogaatay in ciidamada Itoobiya ay si xoog ah ku barakiciyeen bulshooyin dhan oo
reer miyi ah, ay gubeen oo ay burburiyeen tobanaan tuulo, ayna dil bareer ah u
geysteen in ka badan 150 qof, kuwaasoo qaarkood meelo fagaara ah lagu toogtay
si loo argagax geliyo bulshada deegaanka. Xooggaga ammaanka ayaa sidoo kale
qaab sharci darro ah ku xiray boqolaal qof oo rayid ah, kuwaasoo badankood la
jirdilay, garaacay, kufsaday ama loo geystay xadgudubyo kale oo galmo ah.
Human Rights Watch ayaa marar badan u ololeysay sidii
baaritaan madax bannaan loogu samayn lahaa dembiyadda xilligaas dhacay.
Sanadkii 2008, Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Itoobiya ayaa bilowday baaritaan
ay uga jawaabayso warbixinta Human Rights Watch, balse qaabka loo sameeyay
ayaan ahayn mid madax bannaan oo lagu kalsoonaan karo, waxaana uu meesha ka
saaray xaqiiqda ah in dowladda ay door ku lahayd tacaddiyadaasi.
Waxaa loo baahan yahay baaritaan cusub kaasoo ay tahay in
lagu eego kaalinta iyo mas’uuliyadda ay leeyihiin askarta milateriga Itoobiya
ee amartay ama ka qeyb qaadatay weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah
xilliga ay meesha xun maraysay colaadda, ayay tiri Human Rights Watch. Waxaa
intaa dheer in saraakiisha milateriga iyo kuwa rayidka ah ee ka warqabay ama ay
ahayd inay ogaadaan dembiyada noocaasi ah balse aan wax tallaaba ah ka qaadin
ay dembiga wax ku yeelan karaan marka la eego mas’uuliyadda taliska.
Inkastoo uu milateriga
Itoobiya sanadahan dambe yareeyay dowrka muuqda ee uu ku leeyahay deegaanka
Soomaalida, ayaa haddana ciidanka Liyu boolis ee ka amar qaadanayay Cabdi Iley
waxa uu sameeyay tallaabooyin xadgudub ah oo uu ku beegsanayay dadka looga
shakiyo inay taageeraan jabhadda ONLF. Ciidankan ayaa tobankii sano ee lasoo
dhaafay waxaa marar badan lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin dilal sharciga
khilaafsan, jirdil, kufsi, rabshado ka dhan ah dadka deegaanka Soomaalida iyo
weliba weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah beelaha deegaanka. Waxaa sidoo kale
jira cadeymo muujinaya weerarro ay Liyu booliska ku qaadeen dad degan meelo ka
baxsan deegaanka Soomaalida, gaar ahaan deegaanka Oromiya oo ay weerarayeen tan
iyo dabayaaqadii Disembar 2016, taasoo dhalisay dhimashada boqolaal qof iyo
barakac baahsan. Waxa ay sidoo kale weerarro ka geysteen gudaha dalka deriska
la ah ee Soomaaliya.
Warbixin ay Human Rights
Watch baahisay bishii July 2018 ayaa lagu diiwaangeliyay jirdil arxan darro ah
oo loo geystay maxaabiista xabsiga dhexe ee deegaanka oo loo yaqaan Jeel
Ogaadeen, kaasoo ay inta badan maamulaan Liyu booliska. Maxaabiis soo martay
xabsigaasi ayaa qeexay tacaddiyo aan dhammaan lahayn iyo jirdil, ayagoo inta
badan aan heli jirin daryeel caafimaad, ka warqabka qoysaskooda, qareennadooda
ama xitaa mararka qaar cunno. Waa in la baaro mas’uuliyiinta, oo kuwa ay si
lagu kalsoonaan karo ku cadaato inay ka dambeeyeen tacaddiyada ka dhanka ah
maxaabiista lagu qaado dacwad dembiyeed ayaga oo aan loo eegeyn darajadooda,
ayay tiri Human Rights Watch. Waa in si gaar ah loo baaro mas’uuliyiinta
sarsare ee dowlad deegaanka Soomaalida sida Cabdi Iley iyo Cabdiraxmaan
Cabdillahi Burale oo sidoo kale loo yaqaan Cabdiraxmaan Labagole.
Marka la eego sharciga caalamiga ah, Itoobiya waxa ay
mas’uuliyad ka saaran tahay inay baarto oo ay maxkamadeyso dadka geysta dembiyada
dagaalka, oo ay ka mid yihiin ciidamadeeda. Ma aha in cafis loo fidiyo dadka
geysta dembiyada ka dhanka ah aadanaha ama tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda
aadanaha.
Dowladda ayaa tallaabooyin aargoosi ah kula kacday dadka
ka hadla tacaddiyada deegaanka ka dhaca. Tusaale ahaan, dowladda Itoobiya ayaa
sanadkii 2016 waxa ay xirtay tobanaan ka mid ah ehelada dad Itoobiyaan ah oo ka
qeyb qaatay mudaharaad ka dhacay magaalada Melbourne ee dalka Australia kaasoo
looga soo horjeeday maamulka Jigjiga. Qaar ka mid ah eheladaasi ayaa bilooyin
xirnaa si loogu ciqaabo falkaasi.
Hawlgal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana
madax bannaan oo lagu sameeyo tacaddiyada iyo jebinta shuruucda dagaalka ee ka
dhacay deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya ayaa waxa uu qeyb muhiim ah ka
qaadan doonaa ajendaha isbedelka ku salaysan ee Ra’iisal Wasaare Abiy, ayay
tiri Human Rights Watch. Waa in howlwadaagayaasha caalamiga ah ee Itoobiya ee
doonaya inay taageeraan isbedellada ballaaran ee socda ay taageero farsamo u fidiyaan
dadaalkaasi. Si loo xaqiijiyo kalsoonida, waa in la shaaciyaa waxyaabaha lagu
ogaaday baaritaanka ayadoo laga faa’iideysanayo khubarada caalamiga ah.
“Ma aha in dowladda federaalka ay qariso tacaddiyada
xajmigaasi iyo noocaasi leh ayadoo eegaysa dano siyaasadeed,” ayay tiri Burnett
oo intaa ku dartay, “Hadda waxaa la joogaa goortii lasoo afjari lahaa ku
lug-lahaanshaha dowladda federaalka ee tacaddiyada ka dhaca deegaanka
Soomaalida, iyo xilligii uu billaaban lahaa isla xisaabtanka.”
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]