3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2018
Kenya oo dhalinyarada ka wac-yi-galineysa ku biirista Al-shabaab

 

Isniin, August, 20, 2018 (HOL) – Saraakiisha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in uu socdo qorsheo dhalinyarada xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku nool ay kaga wacyi gelinayaan ku biirida Ururka Al Shabaab.

Gaar ahaan qorshan cusub ayaa beegsanaya dhalinyarada si ay uga dhaadhiciyaan sidii aysan ugu biiri laheyn Al Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaatooyin badan ku hayaan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Shir ka furmay gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda amniga dalka Kenya ayaa dhalinyarada looga wac-yi- gelinayaa ku biirista Al Shabaab, wuxuuna shirkan soconayaa muddo Saddex maalmood ah.

“Waxaan ka koobanahay dhalinyaro kala duwan oo ka kala yimid degaano ka kala tirsan gobolkan, waxaan iska kaashanaynaa sidii aan uga hortagi laheyn falalka ammaanka ka baxsan ee ka dhaca gobolkan, Al Shabaab halkan waxa ay ku yeesheen saameyn, waxaan dooneynaa inaanu kala saarno dhalinyarada aamisan fikirka Shabaab iyo dhalinyarada caadiga ah”. Ayeey sheegtay Khadiija Cali oo mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada.

Kenya ayaa siweyn ula taacleysa ka hortaga weerarrada uga imanaya Ururka Al-shabaab oo loo adeegsado inta badan dhalinyaro Kenyaan ah oo gaar ahaan ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/20/2018 2:56 PM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Toddobo ka mid ah shaqaalaha gargaarka bani'aadamnimada ah ayaa sanadkan oo kaliya lagu dilay Soomaaliya, iyadoo 10 kale-na ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda gargaarka ee Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika.

8/20/2018 1:42 PM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

8/20/2018 10:45 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalo hanbajaad ahaa oo ka soo yeedhay maamulka Puntland ee Soomaaliya.

8/20/2018 9:30 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Sheekir Cali Xassan ayaa magaalada Dhuus-mareeb kula kulmay Ifrah Ahmed oo ah gabar u olaleysa ka hortaga gudniinka fircooniga, xili ay booqatay hay’adda Ifrah Foundation qoyskii ay ka geeriyootay Deeqa Daahir Nuur oo sababsatay dhiigbax ay ka dhashay gudniin lagu sameeyay.

8/20/2018 7:39 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay in 10-ka bisha September uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka.

8/20/2018 5:52 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Waxaa looga baahan yahay dowladda Itoobiya in ay samayso hawlgal xaqiiqo raadin ah, qoto dheer, isla markaana madax bannaan si ay uga salgaarto tacaddiyada xuquuqda aadanaha iyo jebinta xeerarka dagaalka ee sanadaha badan ka socday deegaanka Soomaalida ee bariga Itoobiya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Waa in arintaasi ay qeyb ka noqdaan baaritaanno gaar ah oo lagu eegayo mas’uuliyadda ay tacaddiyadaasi ku leeyihiin saraakiil sarsare oo gobolkaasi ah, gaar ahaan madaxweynihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaamiyaha haatan ee ciidanka Liyu booliska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Burale.

8/20/2018 3:21 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo xilal kala duwan horay uga soo qabtay dowladihii isaga dan-beeyay dalka Soomaaliya, islamarkaana hadda ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo maalmihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay dalalka dibeda ayaa warbixin guud ka ka siiyay Soomaalida ku dhaqan magaalada Toronto ee dalka Canada xaalada guud ee wadanka.

8/20/2018 1:24 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) - Malaayiinta Muslimiinta ah sanadkan xajinaya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ka soo anbabaxaan deegaanka Mina iyaga oo u jiheysan doona Buurta Carafo,halkaasoo lagu wado in ay ku gutaan mid ka mid ah Ruk-niyada ugu muhiimsan Xajka.

8/20/2018 1:04 AM EST
Isniin, August, 20, 2018 (HOL) -Kaddib kulan maalmihii ugu danbeeyayba uga soconayay magaalada Addis Ababa xubnaha ugu sareeya xisbiga ka arimiya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa leysku afgartay in ka mid ahaanshaha xisbiga laga saaro saddex xubnood oo ku ku eedeysan in ay ka danbeeyeen rabshadii ka dhacay magaalooyinka waaweyn ismaamulka Soomaalida.