4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Dowladda oo markii ugu horeysay sheegtay in xilka guddoomiyaha Bankiga dhexe loo tartamayo

 

Khamiis, August, 02, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaacisay in loo tartami doono xilka guddoomiyaha Bankiga dhexe oo markii hore ku iman jiray magacaabis.

Wasiirka Wasaaradda maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle ayaa sheegay in xilkan oo muhiim u ah dowladda doonayaan in wixii hadda ka danbeeya loo tartamo/

“ Xilka guddoomiyaha Bangigga dhexe ee dalka xil weyn weeye, waa qalbigii waddanka cidii soo heyn jirtay meel fiican bay soo gaarsiisay hada waxa la damcay in la xayaysiiyo oo la doono dad u qalma cidey doonto hanoqotee oo dalka nagala saari kara rakada maanta uu ku jiro sidaas ayaana la goostay “ ayuu yiri Wasiir beyle.

Waxaa uu sheegay in u tartamayaasha xilkan laga doonayo Aqoon heer Jaamacadeed ah oo la xiriirrta Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka gaar siisanna 12 sano oo qibrad shaqo ah, kana soo shaqeeyay Bangiyada ama Hey’adaha dhaqaalaha ee caalamka .

Wax-yaabaha kale laga doonayo qofka raba qabashada xilkani waxa ka mid ah inuu leeyahay hogaamin iyo xiriir wanaagsan,.

Waxaa horyaala dhisida hay’adaha Bangigga, lacagta cusub ee dalku yeelanayo iyo waxyaaba kale oo muhiim.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid weyn oo ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya u qaaday daah furnaanta waxaana ay muujinaysa sida ay uga go’an tahay dowladda federaalka hagaajinta maamulka maaliyadda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]