4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Shirkii dowladda Federaalka iyo Puntland uga socday Garoowe oo la soo gabagabeeyay


Khamiis, August, 02, 2018 (HOL ) - Shir gaar ah oo magaalada Garoowe uga socday golaha wasiirrada dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedka Puntland ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, waxaana dhinac fadhiyay oo shirka ka qeybgalay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa ,Cabdixakiim Xaaji Cumar (Cameey).

Afhayeenka madaxtooyada Puntland,Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel) ayaa marka uu soo dhammaaday kulanka dowladda Federaalka iyo Puntland, wuxuu faahfaahiyay qodobbada looga hadlay, wuxuu sheegay shirka in diirrada lugu saaray wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo Puntland, waxaa inta dheer oo shirka lugu soo qaaday xoojinka dowlad-nimada Soomaaliya iyo nidaamka federaalka.

" Waxaa muhiim u ah Puntland oo shirka lugu soo qaaday dowladda Federaalka mashruuca ay waddo oo ah sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa deynta ballaaran ee lugu leeyahay, si ay u suuragasho inay Soomaaliya oo dhan qaadato mashaaric horumarineed... shirka waxaa kalo la isku afgartay in la sameeyo guddiyo farsamo oo ka shaqeeya qodobbada ay isla-garteen DF iyo Puntland." ayuu yiri afhayeenka Puntland.

Shirkan waxaa kalo lugu go'aamiyay in si dhaqso ah loo sii daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe magaaladda Garoowe, kuwaasi oo ku dhow 600 boqol muwaadin oo loo haysto falal burcad badeednimo ah, si ay ugu dhamaystaan xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka dibadiisa, iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.

Docda kale, waxaa hadda bilowday shirka golaha wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah kulamdii khamiislaha ahaa ee wasiiradu ay yeeshaan isbuuc walba, kaas oo markii ugu horreeysay lugu qabannayo magaalada Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online