4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2018
Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo Garoowe ka furmay

 

Khamiis, August, 02, 2018 (HOL ) -Shirka golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, kaddib saacado badan oo dadaal lugu bixiyay shirkan inuu qabsoomo,markii ay ka soo horjeesteen xubno ka tirsan Puntland.

Shirka oo u guddoominayo ra'iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka, Xasan Cali Khayre,waxaa kalo ka qeybgalaya madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenkiisa iyo wasirrada Puntland.

Lama oga ajandayaasha shirka looga hadlayo, balse wasiirka ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa u sheegay Hiiraan Online shirka inuu qeyb ka yahay kulamadii toddobad-laha ahaa ee golaha wasiirrada,waxaase uu kulamadii hore uga duwanyahay shirka inay ka qeybgalayaan, madaxweyanaha Puntland, ku-xigeenkiisa iyo golaha wasiirrada.

Horey golaha wasiirrada ayaa ugu shirey magaalada Kismaayo iyo Baydhabo, waxaana Garoowe ay noqoneysa magaalada saddexaad ee ka baxsan caasimadda Muqdisho oo shirka martigalisa.

Wixii ka soo baxa shirka kala soco Hiiraan Online

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online