4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Horjoogayaal ka tirsan Daacish oo xukun lagu riday

 

Khamiis, August, 02, 2018 (HOL)–Kaddib fadhiyo is xig-xigay oo ay soo martay dhageysiga dacwda xubnahan la sheegay in ay yihiin horjogayaal ka tirsan Daacish ayeey ugu danbeyntii maxkamada ciidamada qalabka sida xukun riday labadan eedeysane.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin oo ah eedeysanaha 1-aad ayaa loo heystaa in uu ku mashquulsanaa aas-aasidda kooxo Daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxaa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo Daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr Raage) ayaa loo heystay in uu ahaa horjoogaha Caafimaad, waxaa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.

Dood dheer kaddib,Maxkamada ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay dambi muujinta iyo cadeymaha la horkeenay waxay eedeysanayaasha kala ah Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr Raage) ku xukuntay mid 15-sano oo xabsi ciidan ah,waxayna maxkamaddu intaasi raacisay in ciddii ku qanacsaneyn xukunka u furan tahay racfaan.

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka, magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Afrika iyo ka mid ahaanshiyaha lleeshiyada Al-Shabaab

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]