4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Senator Faroole oo ku baaqay in la-dadajiyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

 

Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) – Senator Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka mid ah golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa xukuumadda federaalka ka dalbaday in la-dadaijiyo wada-hadallada  Soomaaliland, kaddib kulan gaar ah oo magaalada Garoowe uu kula qaatay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Puntland.

"Waxaan kulanay oo gurigayga iigu yimid ra'iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo aan ka wada-hadalnay arrimo caam ah oo ku saabsan dowlad-nimada Soomaaliya...waxaan ka wada-hadalnay in la dedejiyo wada-hadallada Soomaaliland oo lala hadlo oo waxay tabannayaan la maqlo oo ajande aan qarsooneyn dhinac kaga jirin." ayuu yiri Senator Faroole oo warbaahinta la hadlay Arbacadii , markii uu soo dhammaaday kulanka uu la qaaray ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Gabgabadii, wuxuu sheegay madaxweynihii hore ee dowlad-gobolleedka Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole in kulanka lugu muujiyay sida ay lagama -maarmaan u tahay in meel looga soo wada-jeesto cid walba oo dhibaata ku heysa midnimada Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com