Booqashadii madaxweyne Farmaajo ee Eritrea oo xiisad ka dhax- abuurtay Soomaaliya iyo Jabuuti
Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) – Dowladda Jabuuti ayaa cadeysay mowqifkeeda la xiriira
hadal dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu
ka jeediyay magaalada Asmara kaddib booqasho saddex cisho qaadatay oo uu halkaa
ku tagay.
Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan
oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowladda Eritrea sida uu hadalka u
dhigay xoog ku heysato qeyb ka mid ah dhulka Jabuuti iyo gaar ahaan Jasiiradaha Doumeira
iyo 10 Maxbuus oo reer Jabuuti ah.
‘’Shaki kama jiro in Soomaaliya ay xaq u leedahay
hagaajinta xiriirka ay la leedahay wadamada dariska ah, laakiin waxaa wax la
aqbali karo aheyn in madaxweynaha Soomaaliya uu ku taageero Eritrea xoog ku
heysashada dhulka qeyb ka mid ah Jabuuti iyo maxaabiis’’ ayuu yiri safiirka.
Safiirka ayaa intaa ku daray in war laga naxo uu
ahaa hadalkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in cunaqabateynta saran laga
qaado Eritrea.
Jabuuti ayaa qeyb ka ah wadamada ku tabarucay
ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ee qeybta ka howlgalka midowga Africa,
waxaana dhowr Kun oo ciidamo ah ka joogaan gobolka Hiiraan ee bartamaha
Soomaaliya.
‘’Wiilasheen-na waxaa ay naftooda u hurayaan
nabada Soomaaliya, xili walaalahood ay maxbuus ku yihiin Asmara, sidaa daradeed
kuma faraxsanaan doonaan in ay maqlaan hadalka qaldan ee madaxweynaha
Soomaaliya, ayuu yiri safiirka Jabuuti.
Wuxuu sheegay safiirka in mar walba ay soo
dhaweynayaan dhaqdhaqaaqa nabadeed iyo kan diblomaasiyadeed ee Geeska Africa,
hasse ahaatee aan wali la xalin khilaafka labada dowladood ee Jabuuti iyo Eretria.
Wali dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan
soo saarin hadalka ka soo yeeray Jabuuti oo qoonsatay khudbadii madaxweyne
Farmaajo uu ka jeediyay Asmara.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]