4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay ee Garoowe iyo shirka Golaha Wasiiradda

 

Khamiis, August, 02, 2018 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya magaalad Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta lagu wado in uu halkaa ka furmo shirkii golaha Wasiirrada Soomaaliya ee todobaad walba maalinta Khamiista ah lagu qaban jiray magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa gaaray Garoowe xubnaha Golaha Wasiirradda Soomaaliya oo uu halkaa uga sii horeeyay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre labadii cisho ee la soo dhaafayba ku sugnaa xarunta dowlad gobolleedka Puntland.

Warar xog-ogaal ah oo ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in dhinaca kale ay jirto xiisad ka dhalatay cambaareyntii loo jeediyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu lagu eedeeyay in uu ka biyo–diiday ka qeybgalka dhagax-dhiggii dekedda Garacad, taasoo carreysiisay siyaaasiyiinta iyo wax-garadka Puntland.

Ilo-lagu kalsoonaan karo oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in shalay diyaaradii siday xubnaha Golaha Wasiiradda wax xooggaa uu hakad ku yimid, kaddib markii uu booq iyo is-mari-waag ka dhashay imaashiyahooda uu ka dhacay gudaha garoonka.

Ilaa iyo xalay waxaa magaalada Garoowe ka soconayay kulamo iyo wada hadallo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka la xiriira ka qeyb-gal la’aanta ra’iisal wasaaraha dhagax-dhiggii dekedda Garacad.

Shirka Golaha Wasiiradda ee maanta ka furmaya Garoowe ayaan la ogeyn ajandaha iyo qodobada looga hadlayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]