3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Gen Caanood oo beeniyay in uu hub iyo ciidan la goostay

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL)- Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo uu dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkii ka qaaday ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxay oo sheegaya in uu la goostay gadiid dagaal iyo ciidan.

Wuxuu sheegay in hadda isaga iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed howlgal ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelllaha dhexe, gaar ahaan wuxuu intaa ku daray in dagaal uu ku dhaxmaray ciidamada uu hogaaminayo iyo Al-shabaab degmada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Mar wax laga weydiiyay wax ka jira in uu ka carooday xil ka qaadistii uu dhawaan ku sameeyay madaxweyne Farmaajo ayuu yiri ‘’ "waxaasi waxba kama jiraan, waa wixii Soomaali ku hoogtay oo ku ba'day, ilaahna naguma jirrabo", hadalkaas oo uu ula jeeday inuusan diyaar u ahayn dagaal jabhadayn ah.

Jen Caanood ayaa intaa ku daray in uu xilka ku wareejin doonto taliyaha cusub marka uu soo dhamaado howlgalka uu hadda u joogo gobolka Shabeellaha hoose.

Warka ku saabsan in Abaanduuluhu la goostay gadiid dagaal iyo ciidamo ayaa soo baxay kadib markii laga war-helay in isago ku dhawaad 40 gadiidka dagaalka ah oo Al-shabaab ay jidgooyo u dhigteen deegaan aan wax badan ka fogeyn degmada Shalanbood ee gobolka Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/19/2018 3:06 PM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiiru-dowlaha wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim waxaa si KMG loogu magacaabay waaxda Canshuuraha Dekedda Muqdisho Xassan Cabdi Casiis Axmed.

8/19/2018 10:56 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay-ba xafiiska hanti-dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya uu ku howlanaa daba-gal lagu sameynayo hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qaarkood hadda xabsiga loo dhigay arrimo musuq-maasuq la xiriira ayaa sheegay in isla xisaabtanku gaari doono xafiis-yada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka.

8/19/2018 9:55 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Guddiga difaaca Puntland oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa beeniyay inuu jiro heshiis laga gaaray colaada gobolka Sool,waxaana ay ku celiyeen inaysan jirin wax gorgortan ah oo ay ka galayaan deegaannada ay Soomaaliland ku sugantahay.

8/19/2018 9:38 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed kula shiray wasiirka amniga, dhammaan hay’adaha garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaalinta, garyaqaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaha ciidamada Asluubta iyo dhammaan taliyaasha cadaaladda iyo garsoorka, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.

8/19/2018 8:33 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa bisha soo socota isugu imaanaya shir degdeg ah, kaasoo ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

8/19/2018 7:29 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Tirada muslimiinta caalamka ka timid ee ku sugan magaalada barakaysan ee Maka ayaa lagu qiyaasay 2 milyan oo qof si ay u gutaan waajibaadka xajka, waxaana maanta bilaabmay howsha gudashada acmaasha xajka.

8/19/2018 4:19 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka oo lagu dooranayo Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb.

8/19/2018 4:09 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Masar,Abdel Fattah al-Sisi, ayaa saxiixay sharci lagu adkeynayo xakamaynta adeegyada internetka dalkaasi.

8/19/2018 1:29 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerarada ciidamada Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

8/19/2018 12:52 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Kenya ayaa sheegtay in ay baareyso saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaliya.

8/19/2018 12:31 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay xariga 10 xubnood oo ka tirsanaa howlwadeennadii dekedda Muqdisho oo ku eedeysan musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.