3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Khayre oo la kulmay Hay’adaha Garsoorka iyo Amniga

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta taliska booliiska Soomaaliyeed kula shiray wasiirka amniga, dhammaan hay’adaha garsoorka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaalinta, garyaqaanka, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaha ciidamada Asluubta iyo dhammaan taliyaasha cadaaladda iyo garsoorka, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.

Shirkan oo billaaw u ah kulamo bille ah oo looga hadlayo garsoorka iyo cadaallada ayaa muhiimmaddiisa ugu wayn waxa ay ahayd in laga wada tashado xallinta cabashooyin cadaaladeed oo ay qabeen bulshada Soomaaliyeed, horumarinta cadaalladda iyo hannaanka ay wada shaqayn buuxda u yeelan karaan garsoorka, cadaalladda iyo booliiska, si xukun caddaalad ah uu dhoco, si cadaallad ahna loogu fuliyo.

Ra’iisal wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hay’adaha garsoorka, caddaaladda iyo taliska booliiska ku dhiirri geliyay in ay qabtaan shaqo saxan, hufan, daacad ah daah furan si loo soo celiyo kalsoonida iyo aaminaadda shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaneen dawladooda.

Taliyaha booliiska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo natiijada shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in shirarka soo socda lagu soo bandhigi doono horummarrada caddaaladeed ee laga gaaray qodobada kulankii maanta la iskula gartay iyo caqabadaha jira si xal looga gaaro oo looga dhabeeyo Barnaamijka dawladda oo ah in bulshada Soomaaliyeed ay helaan hannaan caddaaladeed loo simanyahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/19/2018 3:06 PM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)-Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiiru-dowlaha wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim waxaa si KMG loogu magacaabay waaxda Canshuuraha Dekedda Muqdisho Xassan Cabdi Casiis Axmed.

8/19/2018 11:12 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)- Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdullaahi Cali Caanood oo uu dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkii ka qaaday ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxay oo sheegaya in uu la goostay gadiid dagaal iyo ciidan.

8/19/2018 10:56 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay-ba xafiiska hanti-dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya uu ku howlanaa daba-gal lagu sameynayo hay’addaha iyo mas’uuliyiinta dowladda oo qaarkood hadda xabsiga loo dhigay arrimo musuq-maasuq la xiriira ayaa sheegay in isla xisaabtanku gaari doono xafiis-yada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka.

8/19/2018 9:55 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Guddiga difaaca Puntland oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa beeniyay inuu jiro heshiis laga gaaray colaada gobolka Sool,waxaana ay ku celiyeen inaysan jirin wax gorgortan ah oo ay ka galayaan deegaannada ay Soomaaliland ku sugantahay.

8/19/2018 8:33 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa bisha soo socota isugu imaanaya shir degdeg ah, kaasoo ka dhici doona magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

8/19/2018 7:29 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Tirada muslimiinta caalamka ka timid ee ku sugan magaalada barakaysan ee Maka ayaa lagu qiyaasay 2 milyan oo qof si ay u gutaan waajibaadka xajka, waxaana maanta bilaabmay howsha gudashada acmaasha xajka.

8/19/2018 4:19 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka oo lagu dooranayo Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb.

8/19/2018 4:09 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Masar,Abdel Fattah al-Sisi, ayaa saxiixay sharci lagu adkeynayo xakamaynta adeegyada internetka dalkaasi.

8/19/2018 1:29 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerarada ciidamada Kenya ku hayaan xarumaha shirkadda Is-gaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

8/19/2018 12:52 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Kenya ayaa sheegtay in ay baareyso saddex qof oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaliya.

8/19/2018 12:31 AM EST
Axad, August, 19, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay xariga 10 xubnood oo ka tirsanaa howlwadeennadii dekedda Muqdisho oo ku eedeysan musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.