4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 19, 2018
Dowladda Soomaaliya oo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada dekedda Xamar oo ku eedeysan musuq-maasuq

 

Axad, August, 19, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay xariga 10 xubnood oo ka tirsanaa howlwadeennadii dekedda Muqdisho oo ku eedeysan musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dad-weyne.

Dadka la soo xir xiray oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada canshuuraha dekedda ayaa xabsiga la oo dhiggay kaddib markii lagu eedeeyay in ay musuq-maasuqeen hantidii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen.

Gen Cabdullaahi Xassan Bariise oo ah taliyaha hoggaanka Canshuuraha Barriga ayaa warbaahinta u faah faahiyay xarigga mas’uuliyiinta.

‘’Waxaa dekedda magaalada Muqdisho laga soo qabtay eedeysanayaal 10 qof ah kuwaas oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, dhamaan eedeysanayaashan waxaa ay ka shaqeynaayeen maamulka canshuuraha dekedda Muqdisho’’ ayuu yiri Gen Bariise.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay-ba ku howlaneyd ka hortaga musuq-maasuqa, waxaana xusid mudan in dadka arrimahan lagu soo eedeeyay islamarkaana shaqo joojinta lagu sameeyay ka mid yihiin Wasiirro, Saraakiil Ciidan, Garsoorayaal maxkamadeed iyo Agaasime waaxeedyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]