4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo mooshin ka gudbiyay shirkadda DP World

 

Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay mooshin ka gudbiyeen shirkadda DP World ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso.

Xildhibaannada ayaa shirkadda ku eedeyay inaysan waxba ka fulin dhammaan heshiisyadii ay gashay ee horu-marinta dekedda Boosaaso,iyagoo sheegay shaqada dekedda inuu hoos u dhac ballaaran ku yimid.

"Ku dhawaad 20 xildhibaan ayaa mooshinka soo gudbiyay, guddoonkana wuu aqbalay.. shacabka waxaan u sheegeyna DP World inaysan jirin wax ay ka fulisay heshiiskii horumarinta dekedda Boosaaso, hadda dekedda waxaa buuxisey ciid iska-da in wax laga qabte." ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl oo warbaahinta u akhriyay mooshinka ay xildhibaannada soo gudbiyeen.

Puntland ayaa bishii July ee sannadkii 2017 shirkadda DP world la galay heshiis la xiriira dhismaha iyo ballaarinta dekedda Boosaaso taaso ay ansixiyeen 46 Xildhibaan oo xubno ka mid ah warbaahinta u sheegeen inay ku qaateen lacago laaluush ah, heshiiska wuxuu dhigayay in dekedda la billaabo marka heshiisku dhaqan-galo, waxaana ballaarinta dhismaha dekedda la sheegay inay ku baxeyso $336 malyan. Wajiga koowaad ayaa lagu heshiiyay in lagu billaabo 136 Malyan, halka wajiga labaadna lagu heshiiyay inay ku baxdo 200 Malyan, heshiiska labada dhinac oo hadda laga joogo muddo ku dhow labo sanno ma jiro wax muuqda oo ka hirgalay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online