4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Putin iyo Angela Merkel oo wadahadal ku leh Germany

 

Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Germalka Chancellor Angela Merkel iyo Madaxweynaha dalka Russian Vladimir Putin ayaa manta lagu wadaa in ay kulmaan oo ay ka wadahadlaan xiriirka 2-da dal tan iyo markii ciidamada Russia 4-sano kahor ay qabsadeen gobolka Crimea ee dalka Ukraine .

Kulanka manta ayaa noqonaya mid lagu xoojinaayo xiriirka labada dal,isla markaana ka looga hortagaayo ama wajahaya gardarada Mareykanka ee dhinaca ganacsiga ,gaar ahaan canshuuuraha lagu soo rogay biraha iyo macdanta Aluumiyamka ee Midowga Yurub.

Merkel iyo Putin kulankoodii ugu dambeeyay,waxa uu ka dhacay magaalada Sochi 4-bilood ka hor,halkaas oo looga hadlay rabshadaha ka taagan Ukraine iyo fidinta dhismaha qasabadaha qaada gaaska ee ka imaanaya Russia kuna socda Germalka.

Kulanka oo ka dhacaya gurigga martida dowladda ee duleedka magaalada Berlin,waxaa ka mid ah qodobada loga hadli doono dagaalada Suuriya.rabshadaha Ukraine iyo dhismaha tubbooyinka qaada gaaska,sida laga soo xigtay Afhayeen u hadlay dowladda Germnalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]