4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay doorashadda Imran Khan

 

Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Pakistaan Imran Khan.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Pakistaan, islamarkaana ay u shaqeyn doonaan si wadajir ah.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Pakistani Imran Khan guushiis maanta,Pakistan waa dal dimoqraadii ah oo fulin kara kartida weyn ee faa’iidada dadka. Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa dowladda Pakistan dhammaan dhinacyada kala duwan ee wax is dhaafsiga leh”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

 

Imran Khan ayaa hogaamin jiray kooxda Kiriket (cricket) ah oo dalkiisa u ciyaareysay ciyaarihii Adduunka sanadii 1992, wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu dadaal ugu jiray sidii uu siyaasadda ugu biiri lahaa, waxa uuna 1996 ku biiray siyaaasadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]