3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Macalimiin ka timid Suudaan oo lagu soo dhaweeyay Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho


Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Munaasabad lagu soo dhoweynayey Macalimiin ka timid Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (International University oo Africa) ee dalka Sudan, kuwaasoo marti u ah Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah jaamacadaha dalkeena ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Macalimiintan ayaa muddo bil ka badan duruus taxane ah ka bixin doona qeybta waxbarashada sare ee Jaamacadda Banaadir (Master) gaar ahaan taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo arintani ay ka dambeysay heshiis iskaashi oo sanado ka hor hor ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa.

Xiriiriyaha Barnaamijka waxbarashada sare ee labada Jaamacadood Dr. Mohamed Xaaji ayaa sheegay in Macalimiintan ay duruus taxane ah siin doonaan dufcadii labaad ee iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, isagoo xusay in dufcadii ugu horeysay ay haatan dhameysteen waxbarashada, ayna isku diyaarinayaan iney buugga qalin jebinta difaacdaan.

“Iskaashiga labada Jaamacadood ayaa suurageliyey in dad badan oo duruufaha jira aysan u saamaxeyn iney dibeda aadaan ay dalkooda ka helaan waxbarashadii ay u baahnaayeen waana fursad qaali ah oo mudan in laga faaiideysto. Macalimiintana waxaan uga mahad celinaynaa waqtigooda qaaliga ah ee ay inoo hureen si ay aqoontooda nooga faaiideyaan” ayuu intaa ku daray Dr. Mohamed Xaaji oo u mahad celiyey masuuliyiinta labada Jaamacadood oo uu xusay iney dedaal badan u galeen arintan.

Macalimiinta ka yimid dalka Sudan oo lagu kala magacaabo Prof. Muusa Mohamed Ali Cabdalla, Dr. Ahmed Fakir Hussein Mohamed iyo Dr. Omar Abuu-Cubeydah oo iyana ka hadlay xafladan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho iyagoo ka mahad celiyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey.

Sidoo kale, Macalimiintan ayaa sheegay in mudada ay dalka joogaan duruus taxane ah ka bixin doonaan taqasuska Qaanuunka iyo shareecada ee ay iskaashanayaan labada Jaamacadood, ayna ku dedaali doonaan intii karaankood ah iney aqoontooda uga faaiideyaan ardayda u diiwaan geshan taqasuskan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii munaasabadan ka hadlay ayaa ku dheeraaday dedaalka Jaamacada Banaadir u gashay sidii dalka loo keeni lahaa taqasuskan oo uu sheegay markii hore dalka dibediisa loo aadi jiray, qarash iyo dhibaato badana laga mudan jiray balse taas ay laga gudbay sanado ka hor.

Dr. Dalmar ayaa a u mahad celiyey macalimiinta ka socota Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Banaadir sanadkii 3aad.

“Jaamacadaha Banaadir iyo International University oo Africa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi muddo badan soo jiray, mana ahan markii ugu horeysay ee ay macalimiin noo soo diraan, waxaana rajeynaynaa mustaqbalka inuu sii xoogeysto xiriirka labada Jaamacadood’ ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ayaa intaa ku daray in ardayda sanadkan iska diiwaan gelisay taqasuska shareecada iyo Qaanuunka iyo kuwa dhameystay looga fadhiyo mustaqbalka dhow iney wax ka bedelaan dhibaatooyinka ka jira garsoorka iyo cadaalada marka ay ka howlgalaan Maxkamadaha dalka, taasoo uu xusay iney tahay ujeedada ugu weyn ee taqasuskan loo keenay dalka.

Qaar ka mid ah ardayda ku howlan barashada taqasuska shareecada & Qaanuunka ayaa u mahad celiyay macaliminta reer Sudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa iyo Jaamacada Banaadir oo suuragelisay in iyagoo dalkooda jooga ay helaan taqasusyadan, waxayna balan-qaadeen iney ka faaiideysan doonaan.

Jaamacadaha Banaadir iyo International University of Africa ee dalka Sudan ayaa bishii Abriil ee sanadii 2016 Muqdisho ku kala saxiixday Heshiis iskaashi oo dhigayey in ardayda dhameysatay kuliyada Qaanuunka & shareecada ee Jaamacadda Banaadir iyo Jaamacadaha kale ee dalka ay helaan taqasusyo isugu jira waxbarashada heerka labaad (Master) iyo Waxbarashada heerka 3aad (Phd). 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/18/2018 10:46 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Gudoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabagalka hantidda Qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa xilkii gudidaasi laga qaaday ka dib markii uu qaar ka mid ah wasiiradii xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo iyo shirkaddo ganacsi ku eedeeyey inay qayb ka ahaayeen lunsi hanti qaran.

8/18/2018 10:14 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qayb-sanayaasha ka hawl-gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan in si deg deg ah ku ugu soo laab-taan xarunta wasaaradda arimaha dibadda si wadatashi loola yeesho mudda ku siman laba toddobaad oo ka bilaabanaysa 19/08/2018.

8/18/2018 9:36 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL)–Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay mooshin ka gudbiyeen shirkadda DP World ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso.

8/18/2018 6:51 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) –Xoghayihii hore ee Qaramada oo ku guuleystay mar abaal-marin Nobel Peace Prize ayaa ku geeriyooday da’da 80 sano Sabtidii maanta.

8/18/2018 5:33 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Germalka Chancellor Angela Merkel iyo Madaxweynaha dalka Russian Vladimir Putin ayaa manta lagu wadaa in ay kulmaan oo ay ka wadahadlaan xiriirka 2-da dal tan iyo markii ciidamada Russia 4-sano kahor ay qabsadeen gobolka Crimea ee dalka Ukraine .

8/18/2018 5:15 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Pakistaan Imran Khan.

8/18/2018 2:12 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Eritrea Isayas Afeworki ayaa aqbalay mar kale in uu booqasho ku tago dalka Itoobiya, laakiin lama shaacin waqtiga rasmiga ah oo ay booqashada madaxweynaha dhici doonto.

8/18/2018 2:02 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) – Saddex ruux ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay Jimcihii shalay gaari ay la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa deegaannada Ceel-Waaq iyo War-guduud sida uu warbaahinta u sheegay qof ka tirsan dadkii dhaawacu soo gaaray.

8/18/2018 1:43 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban-qaabada Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen qabsoomidda bandhiggan.

8/18/2018 1:23 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL) - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in ay ahayd in dadka Falastiiniyiinta si wanaagsan loo ilaaliyo oo loo difaaco iyada oo loo sii marayo waxa uu ku tilmaamay joogitaan xooggan oo ay Qaramada Midoobay ka muuqto dhulka ay Israa'iil haysato.

8/18/2018 1:11 AM EST
Sabti, August, 18, 2018 (HOL)-Maamulka Jubbaland ayaa awood ciidan u adeegsanaya joojinta dagaal beelleed maalmihii ugu danbeeyayba ku dhaxmarayay dulleedka Galbeed ee magaalada Kismaayo labo beelleedo oo isku haya dhul la doonayay in laga qodo ceel biyood,waxaana lagu waramayaa in mudaddii uu dagaalkoodu soo taagnaa ay ku dhinteen dad ka badan 50 ruux.