4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 18, 2018
Madaxweynaha Ertirea oo mar kale booqan doona Itoobiya

 


Sabti, August, 18, 2018 (HOL) Madaxweynaha Eritrea Isayas Afeworki ayaa aqbalay mar kale in uu booqasho ku tago dalka Itoobiya, laakiin lama shaacin waqtiga rasmiga ah oo ay booqashada madaxweynaha dhici doonto.

Socdaalkiisa ayaa diirada saari doona gobolka Amhara ee galbeedka Itoobiya, sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay dowladda Itoobiya.

Wafdi ka socda dowlad gobolleedka Amhara ayaa ku sugnaa Eritrea tan iyo markii ay wadahadal la yeesheen kooxaha kacdoonada ee Amhara Democratic Forces Movement (ADFM) oo fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Wafdiga ayaa la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Ereteria, iyaga oo ku martiqaaday madaxweynaha Eritrea in uu soo booqdo dhulka ismaamulka Amhara ee dlka Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si lama filaan ah u soo afjaray colaadii 20 sano ka badan ka dhax jirtay labada dowladood ee dariska ah Itoobiya iyo Eritrea, waxaana hadda muuqanaya is dhax-gal bulshada labada dhinac ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]